Isniin, December 04, 2006(HOL): Bil ka hor ayeey aheyd markii uu soo baxay Go’aanka lagu joojinayo ka ganacsiga iyo Cunista Qaadka gudaha gobalka hiiraan, lakiin ilaa hada lama oran karo go’aankaasi waa mid dhamaatiis hergalay, gaar ahaan magaalada B/weyn oo wali lagu arkayo dad ka ganacsada iyo waliba kuwo isticmaala Qaadka.
Ka hor inta aan la soo Rogin go’aanka joojinaya in laga ganacsado Caleenta Cagaaran ee Qaadka, Maalin kasta waxaa soo gaari jirtay gudaha gobalka diyaarad ka soo duusha Dalka Kenya oo u Raran Ganacsatada Qaadka, Bale markii ay taa meesha ka baxday xaalku waxaa uu isku badalay dhaca dhulka oo si aan xad laheyn loogu soo galiyo Qaadka Gudaha magaalada iyada oo siyaabo kale loo soo maldahayo.
Ciidamada sida weyn isha ugu haya dhaq-dhaqaaqa ka ganacsiga Qaadka ayaa marka aad la sheekeysato kuu sheegaya in 40% ay ku guuleystaan in ay qabtaan, lakiin intiisa badan aan awood loo laheyn in laga war helo Maadaama sida ay ciidamadu sheegeen laga yaabo in lagu soo dhax qariyo wax yaabaha kale ee ganacsiga loo keeno magaalada oo aan dhamaantood lawada baari karin.
ganacstada ayaa marka ay soo galiyaan Qaadka gudaha magaalada waxaa ay ku gadaan Qaab suuq madow ah ama qarsoodi ah, waxaana xusid mudan in hada la bilaabay Erayo Afgarasho ah oo ay isticmaaleen dadka cuna Qaadka iyo kuwa ka ganacsada si markaa meesha looga saaro tuhun la xiriira in Qaad la kala iibsanayo.
Laakiin marka aad dhan ka eegto Mamnuucida lagu sameeyay Qaadka waxaa la
Qofka lagu helo isaga oo cunaya amaba ka ganacsanaya ayaa muteysta Ganaax la cageed oo dhan Ilaa 500,000 oo Sh. So. ah, iyadoo marka aad booqato xabsiga magaalada aad ku arkeyso dad badan oo loo soo xirir arintaa iyada ah, walow wali kuwa daacada u ah ay ka go’an tahay in ay sii wadaan cunista iyo ka ganacsigiisa intaba.
sababta aan looga guul gaari karin in la her galiyo go’aanka ay soo saarta Maxkamada ayaa la
Balse marka la eego qeybaha kale ee Gobalaka Go’aankan waxaa uu yahay mid sidiisa uga dhaqan galay sida degmada Buula-burte taasoo ay ugu wacan tahay halka jid ee gala degmada oo laga koontarooli karo dhaq-dhaqaaqiisa, iyadoo markii hore Degmada Buula burte la gaarsiin jiray Qaadka marka uu ka soo dago Magaalada B/weyn.
Dagaalka adag ee Ciidamada uu kula jiraan Cirib tirka ka ganacisga Qaadka ayaan aheyn mid ku siman oo kaliya in ay ka koontaroolaan meelaha uu ka soo galo, ee xitaa waxaa la bur buriyay dhamaan sandaqadihii lagu iibin jiray ee gudaha magaalada kuwaasoo hada ah goob ay ka baxaan Baabuurta BL ka ah.
haweenka oo ah kuwa ugu badan ee ka ganacsan jiray Qaadka ayaa hada qaba dood la xiriirta in ay soo food saarta dhibaato dhaqaale maadaama sida kuu sheegayaan ka ganacsigiis ay ku noolaayeen Boqolaal iyo Boqolaal Qoysas ah oo hada meel cidlo ah soo fariistay, halka dhinac maxkamaduna doodaa iyada ah kaga jawaabeyso in ay jiraan siyaabo kale oo lagu soo saaran karo dhaqaale lagu kabo nolasha Qoyska.
Dalka soomaaliya ayaa marka la eego Qaadku waxaa uu ahaa mid ku leh suuq ganasi oo balaaran, iyadoo Dowlada
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online