14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Banaanbax looga soo horjeeday faragelinta Itoobiya iyo Qaraarka Mareykanka uu ku doonayo in ciidamo loogu diro Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 04, 2006(HOL):  Banaanbax aad u ballaaran oo uu soo qaban qaabiyay Golaha maxkamadaha Islaamka, Isla markaana looga soo horjeeday faragelinta dowladda Itoobiya iyo Qaraarka uu Mareykanku ku doonayo  in ciidamo loogu diro Soomaaliya ayaa maanta wuxuu ka dhacay garoonka Kubadda Kolayga Stadium Mogadishu ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeybgaleen dadweyne aad u faro badan.

 

Banaanbaxaasi ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in adduunka uu maanta shacabka Soomaaliyeed ku colaadinayaan diinta Islaamka oo ay heystaan, isagoo caddeeyay in markii ay Soomaaliya nabad ka dhalatay ay dowlado badan oo cadaw ku ah Soomaaliya ay bilaabeen in ay wel wel muujiyaan.

 

Shiikh Xasan Daahir Aweys wuxuu Hay’adaha gargaarka ah ee Qaramada Midoobay uu ku eedeeyay in aysan dooneyn in wax u qabtaan dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay soo dhexgalaan, wuxuuna is-weydiiyay sababta ay Hay’adahaas fariisinka uga dhigteen Magaalada Waajid ee gobolka Bakool oo sida uu yiri ay joogaan Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Shiikh Xasan Daahir wuxuu sheegay in Soomaaliya lagu hayo dagaal wadajir ah, isla markaana aaney dagaalka kaliya wadin Itoobiya iyo Mareykanka, wuxuuna ugu baaqay Qaramada Midoobay in ay ka joogto cadaalad darrada ay ku shaqeyneyso, haddii kalena wuxuu ku goodiyay in uu dhici doono dagaal ay dan ugu jirto dadka Muslimiinta ah.

 

Sidoo kalena waxaa ka hadlay banaanbaxaasi Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Jinaqow wuxuuna sheegay in Qaraarka uu Mareykanku wato uu yahay mid uu doonayo  in uu ku wiiqo nabadda ay deegaano badan oo Dalka Soomaaliya ah ka hirgeliyeen Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Maxkamadaha Islaamka si weyn uga soo horjeedaan Qaraarkaas.

 

Shiikh C/raxmaan Jinaqow waxaa kale oo uu sheegay in banaanbaxa ay dhigeen uu ujeedkiisu yahay in ay caalamka maqashiiyaan gardarrada uu Mareykanka la damacsan yahay Soomaaliya, sidoo kalena ay ciidamada Itoobiya ka baxaan Dalka Soomaaliya, “30/11/2006 waxaa la soo bandhigay mooshin uu Mareykanku waday oo uu doonayay in cunaqabateynta Soomaaliya laga qaado, si Soomaaliya hub dheeraad ah iyo ciidamo loogu diro”ayuu yiri Shiikh Jinaqow oo sheegay in haddii loo hoggaansamo go’aanka Mareykanka ay u qaadanayaan mid lagula dirirayo Maxkamadaha Islaamka.

 

Banaanbaxa ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo beegay iyadoo maanta uu UN-ka ka shirayo qaraar uu u soo gudbiyay Mareykanka, kaasi oo ku aadan in Ciidamo shisheeye loo diro Dalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in banaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho dhawaan uu keenay in Golaha Ammaanka uu meel marin waayo in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).