14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dowladda Federaalka oo baaris xooggan ku heysa Dad loo xir xiray Qaraxii Baydhabo ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 03, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dembi baarista Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaan howlgallo ay ku baarayaan qaraxii dhawaan ka dhacay halka laga galo Magaalada Baydhabo, kaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo ay ku jiray kuwo rayid ah oo safar ahaa.

 

Taliyaha Saldhigga Booliska Baydhabo ninka lagu magacaabo Aadan Biid ayaa sheegay in ay haatan Saldhiggaas ku xiran yihiin dad loo soo xir xiray in looga shakiyay in ay lug ku lahaayeen qaraxii Khamiistii ka dhacay Koontaroolka Bakiin ee laga galo Magaalada Baydhabo, marka dhinaca Xamar laga tago.

 

Taliyaha wuxuu beeniyay warar ay shalay sii daayeen Maxkamadaha Islaamka oo ahaa in qaraxaasi ay ka dambeeyeen ciidamada Itoobiya ee la jooga ciidamada Dowladda Federaalka, wuxuuna caddeeyay in qaraxaasi uu ahaa mid ay ka dambeeyeen dad Muqdisho ka yimid oo sida uu yiri la soo abaabulay, inkastoo uusan carrabka ku dhufan cidda falkaas rasmi ahaan ka dambeysay.

 

Maxkamadaha Islaamka ayaa shalay shir jaraa’id oo ay mas’uuliyiintooda dhinaca Warfaafinta ku qabteen Magaalada Muqdisho waxay ku sheegeen in qaraxaasi uu ahaa mid ay ka dambeeyeen Ciidamada Itoobiya oo iyagu gaariga qarxay saaray waxyaabihii qaraxa sameeyay, wuxuuna afhayeenka Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Cali Muudeey uu sheegay in ay arrintaas ogaadeen kadib markii ay u soo dhamaatay baaris ay ku sameeyeen waxyaabihii dhaliyay qaraxaas, wuxuuna caddeeyay C/raxiin Cali Muudeey in qaraxaasi ay sameeyeen Ciidamada Itoobiya ee jooga Koontaroollada ku yaala halka laga galo magaalada Baydhabo.

 

Ka sii horna Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraxaasi ku eedeysay Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeelle uu sheegay in ay qaraxaasi soo abaabuleen Maxkamadaha Islaamka, walow hadalkiisaas uu ahaa mid uu deg deg ku bixiyay daqiiqado kadib markii uu qaraxa dhacay, taasi oo dabcan u muuqaneysa in uu wasiir ku xigeenka  sii daayay hadal uusan caddeyn buuxda u heynin marka laga reebo in ay Maxkamadaha Islaamka mas’uuliyiintooda isku riix riixaan shilalka ka dhex dhaca.

 

Maalintii Khamiista ahayd ayaa Koontaroolka Bakiin ee ku yaala halka laga galo magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay Qarax aad u xooggan oo ay ku dhinteen dad isugu jiray kuwo safar ah oo Baydhabo ku sii jeeday iyo kuwo kale oo ay xitaa ku jireen Booliskii Koontaroolka joogay. 18-kii September ee aynu ka soo gudubnay ayaa gudaha Magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay qarax xooggan oo la doonayay in lagu dilo madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo xiligaas ka soo baxay Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo, iyadoo halkaasina ay ku dhinteen dad toban ruux dhan oo uu ku jiray Madaxweynaha Walaalkiis.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).