14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo Mareykanka ku cambaareeyay qorshaha uu ku doonayo in ciidamo shisheeye loogu diro

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 03, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda  magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay Qaraarka uu Mareykanka ku doonayo in ciidamo shisheeye loogu soo diro Dalka Soomaaliya, waxayna Maxkamadaha Islaamka ku tilmaameen qaraarkaas mid looga soo horjeedo nabadgelyada iyo xasiloonida ay heleen dadka Soomaaliyeed.

 

Shirkaas Jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Cali Muudey, wuxuuna sheegay in bayaanka ay soo saareen ay ku cambaareynayaan Dowladda Mareykanka oo dadka Soomaaliyeed cadaawad u heysa, horayna xasuuq ugu geysatay xiligii ay ciidamadii UNOSOM dalka joogeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu Mareykanku doonayo in uu Ciidamo Itoobiyaan ah u soo adeegsado Soomaaliya oo haatan ay xasilooni ka jirto, iyadoo sida uu yiri la ogyahay in uu 16kii sano ee la soo dhaafay uu Mareykanku taageerayay Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ka talin jiray.

 

C/raxiin Cali Muudey waxaa uu sheegay in uu Mareykanku doonayo in uu dowlado Afrikaan ah u soo hubeeyo dalka Soomaaliya, si uusan u degin, sidaas darteedna wuxuu caddeeyay in ay maxkamadaha Islaamka ka soo horjeedaan in ciidamo la geeyo dalka Soomalaiya nooc kasta oo ay ahaadaan.

 

Sidoo kalena waxaa arrinta ciidamo u dirista Soomaaliya ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Jinaqow oo sheegay in qaraarka uu mareykanka soo saaray uu yahay mid aan wax badan ka duwaneyn kii uu dhawaan ku hungoobay Mareykanka ee uu ku doonayay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in warqadda uu Mareykanku qeybiyay ay tahay middii uu horay u soo gudbiyay oo uu dhinaca kale u gediyay, isla markaana uu kaliya ka reebay ciidamada loo dirayo Soomaaliya dalalka Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.

 

Shiikh C/raxmaan Jinaqow waxaa uu sheegay in waxa ay diidayaan aysan seddexdaas dal ahayn balse ay ciidamo oo dhan ka soo horjeedaan, “Annagu waxaan diideynay waxay ahaayeen ciidamo oo dhan, sababtoo ah ciidan oo dhan looma baahna oo nabaddii ay ilaalin lahaayeen ama ay dhalin lahaayeen waa la heystaa, waana fariisatay, marka waxa la diidan yahay waa in ay Soomaaliya nabad noqoto”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Jinaqow.

 

Shirkan jaraa’id ee ay Maxkamadaha Islaamka uga soo horjeedaan qaraarka uu Mareykanka ku doonayo in ciidamo loogu diro Soomaaliya ayaa waxaa shalay soo dhaweeysay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo sheegtay in arrintaas ay ahayd mid ay horay uga codsatay Golaha Ammaanka, wuxuuna Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Cali Axmed Jaamac Jingeli oo arrintaas ka hadlay uu sheegay in dowladda Federaalka uu mowqifkeeda iska cad yahay isla markaana ay qaraarkaas soo dhaweyneyso, “Mowqifka Dowladda Federaalka waa iska cad yahay, waxayna dowladda horay u codsatay in Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah loo diro Soomaaliya, si ay noogu tababaraan ciidamadeena”ayuu yiri Cali Axmed Jaamac Jingeli oo rajeeyay in uu UN-ka  aqbali doono Qaraarka uu Mareykanka soo hordhigayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).