Sabti,
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay Qaraarkaas taageereyso, isla markaana uu yahay mid ay horay u codsatay.
“Mowqifka Dowladda Federaalka waa iska cad yahay, waxayna dowladda horay u codsatay in Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah loo diro Soomaaliya, si ay noogu tababaraan ciidamadeena”ayuu yiri Cali Axmed Jaamac Jingeli oo rajeeyay in uu UN-ka aqbali doono Qaraarka uu Mareykanka soo hordhigayo.
Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo muddo labo sanadood ah oo ka mid ah shantii sano ee la soo doortay ku dhameysatay Magaalooyin aan ahayn Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa uu xafiltan adag kala dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka oo iyagu ku sii baahaya Gobollada Dalka Soomaaliya, tiiyoo maanta oo ugu dambeysay la soo sheegayo in ay Maxkamadaha la wareegeen gacan ku heynta Degmada Diinsoor oo ka mid ah Degmooyin hoos yimaada Maamul ay Dowladda Federaalka u sameysay Gobolka Bay.
Marka laga soo tago Degmada Buur-Hakaba ee ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Degmada Diinsoor waa Degmadii labaad oo ay hadana xiisad dhinaca Maxkamadaha ah ka soo wajahdo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, waxaana la eegayaa tallaabta xigta ee ay labada dhinac qaadaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com