16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dowladda Uganda oo sheegtay in aaney ciidamo u diri karin Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 02, 2006(HOL): Wasiirka Gaashaandhigga Uganda Mr. Crispus Kiyonga ayaa u sheegay Baarlamaanka Dalkiisa in dowladdiisa ay kala shaqeyneysay dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska sidii loo qaadi lahaa cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya, si u sahlanaato in ciidamo nabad ilaalilayaal ah loogu diro.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in ay arrintan sii adkaatay kadib markii uu dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu go’aan ka qaaday waayay arrinta qaadista xayiraadda hubka, marka laga reebo in uu muddo lix bilood ah ugu sii daray Guddi u qaabilsan la socodka xadgudubyada loo geysto cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya.

 

Qorshe ay Xukuumadda Uganda ku dooneysay in ay ciidamo ugu dirto Soomaaliya ayaa waxaa uu u muuqdaa mid ay diidmo ka hor imaaneyso, waxayna xubno ka tirsan Baarlamaanka Uganda ay sheegeen in aysan taageeri doonin qorshaha ay Xukuumadda wadato, “Dalkayaga (Uganda) oo ay hadda isu baheysteen dhibaatooyin ka dhashay adeegyadii Bulshada oo aan shaqeyneynin sida Korontadii, Xarumihii Caafimaadka iyo goobihii waxbarashada oo aan si hagaagsan u shaqeyneynin miyaan awoodi kareynaa in aan ciidamo u dirno Soomaaliya”ayuu yiri Beti Kamya oo ka tirsan Xildhibaanada Uganda, inkastoo ay jireen Xildhibaano kale oo sheegay in aaney Uganda weligeedba faa’iido ka keenin dalal ay ciidamo u dirtay oo ay ka mid yihiin Congo, Rwanda iyo Suudaan, sidaas darteedna aysan khatar ka imaaneynin in ay Soomaaliya ciidamo kale u dirto.

 

Dowladda Uganda ayaa ka mid ahayd dalal dhowr ah oo ay Guddiga la socoshada Xayiraadda Hubka ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya, walow ay taasi beenisay Dowladda Uganda oo ka mid ah Dalalka diyaarka u ah in ay taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo Baydhabo ku sugan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).