16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Qoysaskii ka barakacay Fatahaaddii Webiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne oo u muuqda kuwo ku qasban in ay dib guryahoodii ugu laabtaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 01,2006(HOL): Waxaa inta badan hada ay Qoysasku bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii,  ka dib markii Maamulayaasha dugsiyada waxbarashada magaalada oo kulan qaatay ay ku dhawaaqeen   wixii ka dambeeya  2, Dec. 2006 dib  dhamaan loogu furo Goobihii waxbarashada oo la xiray xiligii Fatahaada.

 

Qoysaska dib u soo laabanaya oo ah kuwo caruurtoodu ay wax ka bartaan dugsiyada waxbarashada Magaalada  ayaa u muuqda kuwo ka door bidaya dhibaato kasta oo ka jirta gudaha magaalada in curuurtoodu waxbarashada dib ugu laabtaan,  Maadaama aysan Jirin  gadiid Caruuta ka soo qaadaya Goobaha dadku ku bara kacay,  islamarkaana Qoysasku aysan awood u laheyn maalin kasta in ay ka bixiyaan Caruurta lacag ay ku sii raacaan  gadiidka BL ka ah ee taga gudaha Magaalada.

 

Laakiin waxaa iyagu ka bad baaday dib ugu soo laabashada gudaha magaalada Qoysaska caruurtoodu ay wax ka bartaan Dugsiga Hoose Dhaxe  iyo sare ee Mujamaca ee Magaalada B/weyn oo uu maamulkiisu sheegay in ay diyaariyeen Gadiid ka soo qaada Caruurta Deegaanada Ceel-jaale iyo waliba Jante-guudisho islamarkaana dib u celinaya marka ay waxbarashada dhameystaan.

 

Hayeeshee  Fursadan ay heysataan Ardayda Dugsiga Mujamac  ayaan aheyn mid laysku wada haleyn karo, waayo waxaa jira cabasho ardaydu ay ka muujinayaan waqtiga loo qabtay in  ku diyaar garoobaan si gadiidku u soo qaado  oo ah xili hore, waxaana ay ardaydu kuu sheegayaan in mar walba lagama maar maan ay tahay in  Gadiid BL ah Raacaan  ama dib ugu laabtaan gudaha magaalada.

 

Dib ugu soo laabashada Gudaha magaalada Qoysaskii markii hore ka bara kacay ayaan ahayn mid ku timid oo kaliya dib u furista  goobaha waxbarashada oo kaliya  laakiin marka dhanka kale la eego waxaa jira in inta badan la soo gabo gabeeyay kaalmadii la siin jiray Qoysaskaasi gaar ahaan Biyaha oo hada gabaabsi sii noqonaya.

 

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiita  Hay’adaha ICRC  oo ka shaqeysa gaarsiinta biyaha dadka soo bara kacay  ayaa u sheegay HOL  in goor dhaw la soo afjari doono  biyo gaarsiinta dadka bara kacay, maadama sida ay sheegeen mas’uuliyiintu hada magaaladu u muuqato mid dadku dib ugu laaban karo.

 

Si kastaba  Magaalada B/weyn oo maalmihii hore aheyd mid cidlo ah ayaa hada u muuqata mid shacabku dib ugu soo laabanayo walow Qoysas badan  waliba kuwo dan yarta ah aysan u muuqan kuwo bilaha soo socda dib u soo laaban kara  dhibaato ka heysata dhinaca hoyga awgeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).