16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ciidamo ka baxsaday maxkamadaha Islaamka oo u galay Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 01,2006(HOL): Ciidamo ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamka, gaar ahaana Maxkamadda Al-Bayaan ee hoos tagta Midowga Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ayaa u baxsaday dhinaca Magaalada Baydhabo oo ah fariisinka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay soo gaareen ciidamo ka badan 300 oo Askari oo ka soo baxsaday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo sida uu yiri go’aanka baxsashadooda qaatay kadib markii ay wax daryeel ah ka waayeen Maxkamadaha Islaamka.

Laakin waxaa beeniyay in ay Ciidamo intaas la eg uga goosteen dhinaca Dowladda Federaalka Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga Al-Bayaan Maxamed Ibraahim Bilaal, wuxuuna sheegay in aysan jirin ciidamo tiradaas la eg oo ka goostay balse ay jiraan ilaa 16 nin oo ka gadooday, kuwaasi oo loo sheegay in ay dhinaca Baydhabo u amba baxeen.

Ciidamo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxay u soo baxsadeen dhinaca Maxkamadaha Islaamka, iyagoo sheegtay in la daryeeli waayay, hayeeshee waa markii ugu horeysay oo la sheegayo in ay Maxkamadaha Islaamka Ciidamo ka goosteen.

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed  iyo Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa iyagu isku haya aayo ka talinta dalka Soomaaliya, iyadoo dhinac kastana uu sheegayo in uu ka shaqeynayo danta Shacabka Soomaaliyeed oo muddo dheer ku soo jiray xaalad adag oo nidaam iyo kala dambeyn la’aan ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).