Khamiis, November 30, 2006(HOL) Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in ay magaalada Baydhabo sii saarnaaneyso cunaqabateynta dhinaca shidaalka ah ee horay loogu soo rogay, wuxuuna ku xigeenka Madaxa Ammaanka Golaha Maxkamadaha Islaamka Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu sheegay in go’aankaas oo ay horay u soo rogeen uu weli sidiisii yahay.
Shiikh Mukhtaar wuxuu sheegay in sababta ay ugu sii heynayaan Magaalada Baydhabo cunaqabateynta dhinaca shidaalka ah ay tahay iyadoo ay shidaalkaas isticmaalayaan Ciidamada Itoobiyaanka ee magaaladaas jooga, wuxuuna caddeeyay in inta ay Ciidamadaas ku sugan yihiin Baydhabo uusan wax shidaal ah u gudbi doonin.
Ku xigeenka Madaxa ammaanka Golaha maxkamadaha Islaamka waxaa uu intaas ku daray in gaadiidka waa weyn ee isaga kala goosha Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo loo ogol yahay kaliya shidaalka ay jidka ku marayaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ogaadeen in shidaalka Baydhabo la geeyo ay isticmaalaan wax uu ugu yeeray Ciidamada Tigree-ga.
Mas’uuliyiin ka soo jeeda Deegaanada Digil iyo Mirifle ayaa ka soo horjeestay go’aanka ay Maxkamadaha Islaamka ku mamnuuceen shidaalkii la geyn jiray Magaalada Baydhabo, waxayna sheegeen in ay taasi u qaadanayaan in dadka Digil iyo Mirifle si gaar ah loo cunaqabateynayo.
Dhanka kalena Shiikh Mukhtaar wuxuu sheegay in gaari Rasaas u siday Ciidamada Itoobiya ay qarxiyeen Dad naftood hurayaal ah oo jidka u galay, gaar ahaan deegaano u dhow Magaalada Baydhabo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in gaarigaas uu gebigiis baaba’ay. sidoo kalena wuxuu sheegay in muddo labo maalmood ah oo isku xigtay ciidamada Itoobiya laga waxyeeleeyay gaadiid dhowr ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online