16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Mareykanka oo sheegay in seddex Nin oo dembi ka gashay ay Muqdisho joogaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 30, 2006(HOL) Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika haweeneyda lagu magacaabo Jendayo Frazer ayaa sheegtay in mareykanka uu hadafkiisu yahay in la soo qabto seddex nin oo ka dambeeyay qaraxyadii loo geystay Safaarado uu Mareykanka ku lahaa Magaalooyinka Darusalaam iyo Nairobi ee dalalka Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998-kii iyo weliba qarax loo geystay Hotel Pradize la oran jiray oo sanadkii 2002 lagu qarxiyay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

 

Jendayi Frazer waxay sheegtay in seddexdaas nin oo u kala dhashay dalalka Kenya, Suudaan iyo Comoros ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, “waxaan xiriir la sameyneynaa dhamaan dhinacyada Soomaalida si aan u helno raggaas argagixisada ah, si aysan Soomaaliya u noqon meel ay ku nabadgalaan Kooxaha Argagixisada.

 

Jendayi Frazer ayaa tiro ku dhan seddex jeer waxay sheegtay in Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin seddex nin oo aragagixiso ah, kuwaasi oo ay sheegtay in ay qatar ku noqon karaan ammaanka Gobolka Geeska Afrika, walow ay sheegashooyinkaas dhowr jeer beeniyeen mas’uuliyiin u hadlay Maxkamadaha Islaamka.

 

Saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa iyaguna sheegay in ay Muqdisho ku sugan yihiin Kooxo Argagixiso ah oo tababarro siiya Xoogagga maxkamadaha Islaamka oo ku sii baahaya Gobollo badan oo ku yaala Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Dowladda Mareykanka ayaa waxay taageersan tahay in cunaqabateynta hubka laga qaado Dalka Soomaaliya, si loo geeyo ciidamo nabad ilaalineed oo garab gala Dowladda federaalka Soomaaliyeed oo muddo labo sano ka badan aan iyagu si buuxda uga howlgelin Dalka Soomaaliya, tan iyo markii sanadkii 2004 lagu soo dhisay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).