16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka iyo Xildhibaano ku sugan Magaalada Muqdisho oo sheegay in ay wax ka jiraan Warbixin ay soo saartay Hay’adda ICG

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November28,2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in ay wax ka jiraan warbixin ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee ka hortagga xasaradaha ee marka magaceeda la soo gaaribiyo la yiraahdo ICG.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow ayaa sheegay in dalka Soomaaliya oo muddo dheer dhibaato ku soo jiray la doonayo markii nabadgelyo laga hirgeliyay in dhibaatadii dib loogu celiyo, isla markaana la iska go’aansaday in nabadgelyo darro loo abuuro.

Prof. Caddow waxaa uu sheegay in ciddii dooneysa in Soomaaliya ciidamo loo soo diro ay tahay mid khasaare ka talineysa, wuxuuna caddeeyay in mowqifkooda ku aadan ciidamada shisheeye ay adduunka u sharaxeen, isla markaana taasi la fahamsan yahay, Midowga Yurub iyo International Crisis Group-na ay ogyihiin.

Wuxuu ku tilmaamay Prof. Caddow wax aan marna suurtageleynin in nafta lagu soo celiyo sida uu hadalka u dhigay dowlad aan dadkeeda kalsooni ka heysan, isla markaana aysan jirin meel ay ka taliso, wuxuuna dhanka kale ugu baaqay UN-ka in uu arrintaas si taxadir leh uga fiirsado.

Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo Muqdisho ku sugan ayaa isagana sheegay in qorshaha qaadista cunaqabateynta ay tahay mid ay wadato Dowladda Mareykanka oo  dooneysa in ciidamo shisheeye loo diro Soomaaliya, isla markaana uu Itoobiya u soo adeegsado, wuxuuna intaas ku daray Xildhibaanka in Dowladda Mareykanka ay arrintaas ku fashilmi doonto, sidii ay ugu fashilantay markii ay taageereysay Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ee ay Maxkamadaha Islaamka ka awood roonaadeen.

Hay’adda Caalamiga ah ee ka hortagga Xasaradaha ee ICG ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saartay xafiisyadeeda Nairobi iyo Brussels ayaa waxay ku sheegtay in Qaraar qabyo ah oo uu wato Mareykanka berri la horgeyn doono Golaha Ammaanka, kaasi oo ku saabsan in cunaqabateynta hubka laga qaado Dalka Soomaaliya, si ciidamo loogu diro, waxayna hay’adda xustay in haddii taasi dhacdo uu dalka Soomaaliya ka qarxi doono dagaal aakhirkii saameeya guud ahaan gobolka geeska Afrika.

Hay’adda ICG waxay talo  ku bixisay in intii uu Golaha Ammaanka la kala safan lahaa Dowladda Federaalka oo taageero ka heleysa Dowladda Itoobiya iyo Maxkamadaha Islaamka oo iyana taageero ka helaya Dowladda Eretereya uu taasi bedelkeeda culeys ku saaro Dowladda iyo Maxkamadaha in ay ku laabtaan wada hadalladii uga socday Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).