16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dowladda Kenya oo beenisay in ay ku martigelisay Dalkeeda Ciidamo Mareykan iyo Iyoobiyaan ah oo Soomaaliya weearar ku ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Moses Watengu'alaIsniin, November 27, 2006(HOL): Kulan ay Muslimiinta Kenya ku yeesheen Magaalada Nairobi ayay ka soo saareen War-murtiyeed ay ku sheegeen in Dowladda Kenya ay dalkeeda ku martigelisay Ciidamo Mareykan ah iyo kuwo Itoobiyaan ah oo weerar ku ah Soomaaliya, kuwaasi oo doonaya in ay burburiyaan sumcadda iyo awoodda Maxkamadaha Islaamka oo ammaan ku soo celisay deegaano badan oo ka tirsan Dalka Soomaaliya.

 

Hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dalka Kenya Mr. Moses Wetang’ula iyo Xoghayaha joogtada ah ee ammaanka gudaha u qaabilsan Dowladda Kenya Mr. Cyrus Gituai, kuwaasi oo sheegay in warkaasi uu ahaa mid aan rasmi ahayn oo xaqiiqda ka fog oo aan la rumeyn karin.

 

Xaaji Yuusuf Murigo (Left) iyo Shiikh Maxamed DorCulumaa’udiinka eedeynta u jeediyay Dowladda Kenya oo ay ka mid ahaayeen Al-Xaaji Yuusuf Murigo iyo Shiikh Maxamed Dor ayaa waxay war-murtiyeedkooda ku sheegeen in ay Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Itoobiyaanka ay joogaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan deegaanada Moyale, Isiolo, Wajir iyo Garissa, waxayna tilmaameen in ujeedada halkaasi loo geeyay ay tahay in weerar ku qaadaan dalka Soomaaliya oo haatan nabadgelyo ka jirto, iyagoo sidoo kalena wel wel ka muujiyay in haddii dagaal ka dhaco dalka Soomaaliya uu saameynayo dalka Kenya.

 

“Ma jiraan Ciidamo shisheeye ah oo dalkan jooga, horayna uma jirin xitaa xiligii ay colaadda u dhaxeysay Dalalka Soomaaliya iyo Kenya”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Kenya Mr. Moses Wetang’ula oo ka jawaabcelinayay hadalka ay Culumaa’udiinka Kenya soo saareen.

 

Wasiir ku xigeenka wuxuu intaas ku daray in Dhulka Kenya uusan ahayn meelaha laga weeraro dalalka la deriska ah, mana dooneyno in aan dhaqankaas soo jireenka ah bedelno”ayuu yiri Wetang’ula oo Muslimiinta Kenya ugu baaqay in ay joojiyaan farriimaha dhiillooyinka xambaarsan ee aan waxba ugu oolin xaaladda Dalka Soomaaliya.

 

Mar uu ka hadlayay Wasiirka ku xigeenka xiriirka kala dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka wuxuu sheegay in uu wanaagsan yahay, isla markaana taasi ay caddeyneyso in ay maxkamadaha ogolaadeen in ay Kenya wax ka shir guddoomiso Shirka lagu dhex dhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka/

 

Mr. Cyrus Gituai oo isna Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Kenya aysan la kala safaneynin Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi bedelkeedna wuxuu sheegay in ay fududeynayaan  wada hadallada lagu dhexdhexaadinayo sida uu hadalka u dhigay dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in ay Kenya Arrimaha Soomaaliya dhex dhexaad ka ahayn tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay madax ka noqotay geedi socodka nabad-raadinta Soomaaliya.

 

Hadalkan ay sii daayeen Culumaa’udiinka Muslimiinta Kenya iyo beeninta ay ku sameynayaan Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Kenya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay soo baxayeen warar sheegayay in Ciidamo Ameerikaanka ah oo gaadiid dagaal wata iyo kuwo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi bari ee Kenya, iyadoo horayna uu Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde uu u sheegay in ay xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata labista Ciidamada Kenya, hayeeshee ilaa iyo haatan ma jirto cid xaqiijisay sheegashooyinkaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).