16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamka in ay weerar ku yihiin Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 27, 2006(HOL):Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamiga inay weerar ku yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku sheegay wareysi gaar ah  oo uu siiyay Telefishanka Alcarabiya Xafiiskiisa Soomaaliya in hadal uu jeediyay dhawaan Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed  uu ahaa mid dulmi ah.

 

Madaxweynaha ayaa ku sheegay wareysigiisa in Maxkamadaha ay marin habaabiyeen Micnaha Ereyga Jihaad oo ay u adeegsanayaan dano gaar ah oo ay ku doonayaan inay xukun ku gaaraan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Waxaa kale oo  uu intaasi ku daray madaxweyne Yuusuf  in Sheekh Shariif Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka uu qaadi doono mas’uuliyadda dhibka iyo cawaaqib xumada ka timaada dagaalka uu ku dhawaaqay.

 

Mar la weydiiyay in kooxo argagaxiso ay joogaan Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu hayo cadeymo aad u qoto dheer oo xaqiijinaya in Unugyo sare oo argagaxisada caalamka ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya , ayna ka barbar dagaalamaan Maxkamadaha Islaamiga .

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa uu intaasi ku daray in kooxda argagaxisada ah ee Soomaaliya joogta ay maxkamadaha ka gacan siiyaan fulinta falalka burburinta ah , waxaana taas cadeyn u ah ayuu yiri weerarkii argagaxiso ee Beydhabo ka dhacay laba bilood ka hor kaasi oo lala beegsaday kolonyo aan la socday, wuxuuna intaas sii raaciyay madaxweynaha in weerarkaas uu ahaa mid watay calaamadaha argagaxisada marka loo eego qaabka loo soo qorsheeyay iyo fulintiisa intaba.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).