16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Ciidamo geeyaan Xadka ay la wadaagaan Dalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 26,2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Meles Zenawi oo Xafiiskiisa Shir Jaraa’id ku qabtay ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamo ka amar qaata Xukuumadiisa ay geeyeen xadka ay la wadaagaan Dalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamada ay geeyeen xadka Soomaaliya aysan ogolaasho uga baahneyn Beesha Caalamka, wuxuuna caddeeyay in ay xaq u leeyihiin in ay iska difaacaan khatar uga imaaneysa Mujaahidiin ku sugan gudaha Soomaaliya oo uu xusay in ay ku soo kiciyeen sida uu hadalka u dhigay canaasiir ku kacsan.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxaa uu intaas ku daray in Baarlamaanka Dalkiisa uu todobaadka dambe u codeyn doono qorshaha ay isku difaaceyso Dowladda Itoobiya, isagoo todobaadkii hore dabayaaqadiiisiina Baarlamaanka dalkiisa ka hor sheegay in ay dowladdiisa ay soo dhameystirtay diyaargarow ay ugu jirtay weerar ay ku qaaddo Maxkamadaha Islaamka ee ka taliya deegaano badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Meles Zenawi waxaa uu ku af-gobaadsaday in haddii ay nabad wax uga waayaan maxkamadaha Islaamka ay lagama maarmaan tahay in ay difaacdaan madax banaanidooda iyo amnigooda, isagoo ku cel celiyay in ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ay isku ballaarinayaan Deegaanada ku yaala Xuduudka u dhaxeeya labada Dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray dhaqdhaqaaqyada Ciidamada Itoobiyana waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan, isla markaana watay 70 gaari ay saakay ka tallaabeen Deegaanka Gal-dogob, isla markaana ay u gudbeen dhinaca Magaalada Gaalkacyo, walow wararka Gaalkacyo naga soo gaaraya ay sheegayaan in aysan Ciidamadaasi gaarin.

Ugu dambeyntiina mas’uuliyiin u hadlay Maxkamadaha Islaamka oo gobollada dhexe ku sugan ayaa dhawaan sheegay in ay weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka kala amar qaadanayay Itoobiya, Puntland iyo Cabdi Qeybdiid, hayeeshee ay ku guuleysteen in ay ciidamadaas iska caabiyaan, isla markaana ay ka qabsadaan Deegaanka Bandiiradley oo ay horay u joogeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).