16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Jaamacadda Carabta iyo Jabuuti oo ku baaqay in aan la fududeynin in Ciidamo loo diro Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 26,2006(HOL): Mas’uuliyiin u hadlay Dowladda Jabuuti iyo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay in aan la fududeynin in Ciidamo Nabad ilaalin ah loo diro Dalka Soomaaliya, yadoo mas’uuliyiintaasna ay u waramayeen Wargeyska Asharqul Awsat.

Mas’uuliyiinta u hadlay Jabuuti iyo Jaamacadda Carabta ayaa waxay sheegeen in laga war sugayo Shirka xalka loogu raadinayo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, kaasi oo ay Wadajir u guddoominayaan Jaamacadda Carabta iyo Urur Goboleedka IGAD.

Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo ku tartamaya aayo ka talinta Dalka Soomaaliya ayaa waxay labo jeer mas’uuliyiin ka socota shir ku yeesheen Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, inkastoo wejiga seddexaad ee wada hadalladaas lagu guuleysan waayay kadib markii ay Maxkamadaha Islaamka ay diideen in shirka uu furmo iyadoo ay dalka Soomaaliya ku jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah, sidoo kalena ay shirka wax guddoomineyso Dowladda Kenya oo aysan xiligaas la dhacsaneyn doorkeeda arrimaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiin u hadlay Maxkamadaha Islaamka oo la hadlay Wargeyska Asharqul Awsat ayaa iyaguna waxay ka digeen in uu UN-ka qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si loo soo geliyo Ciidamo Shisheeye, waxayna mas’uuliyiinta intaas ku dareen in ay diyaar u yihiin in ay arrimhaas kala hadlaan cid kasta oo daneyneysa.

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Tom Casey ayaa dhawaan wuxuu shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay taageereyso ciidamo nabad ilaalin ah oo loo diro Soomaaliya, waase haddii buu yiri ay wax ka bedelayaan xaaladda dalka Soomaaliya.

Ka sii horna Warbixin ay soo saareen Khubarro ka tirsan Midowga Yurub oo shir ku yeeshay Xaruntooda Brussels ayaa Dowladda Mareykanka ku eedeeyay in ay u ololeyneyso in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran ee Soomaaliya, si ciidamo loo geeyo, waxayna ka digeen Khubarro in arrintaas ay keeni karto dagaal ka dhaca dalka Soomaaliya oo ku faafa Gobolka Geeska Afrika.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).