13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Qoysaskii u barakacay Duleedka Magaalada Beledweyne oo gargaar la gaarsiiyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 22, 2006(HOL Tan iyo markii ay biyuhu ku fataheen  Magaalada B/weyn ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan   waxaa si is-daba joog ah deegaano cusub uga sameysanayay  halka lagu magacaabo Jante-guunisho  Qoysas ay barakiciyeen biyaha iyo waliba kuwo u adkeysan waayay  dhabaatada caafimaad ee ka dhalan karta  biyaha wali magaalada  dhax fadhiya.

 

Qoysaska oo markii ay dibada uga baxeen magaalada noqday kuwo isku daruuf iyo waliba nolol ah maadaama hoosta laga wada  fadhiyo  Guryo  caan ku ah bacaha ay bixiyaan hay’adaha samafalka ayaa hada la oran karaa waxaa gaaray  kaal-madii ugu badneyd tan iyo markii uu wabigu fatahay.

 

Sida uu sheegay Madax hay’adda Bisha Cas ee Gobalka Hiiraan  Axmed C/dule Guure Ing.Gacamey waxaa gar gaar la gaar siiyay 55% dadkii ka bara kacay Gudaha magaalada kuwaasoo  lagu tixgalinaya  sida uu sheegay hadba daruufaha ay ku nool yihiin,  waxaana uu sheegay Ing, Gacamey in gar gaarka la bixiyay  ay iska kaashadeen  inta badan hay’adaha ka howl-gala Gobalka.

 

Deeqda Ilaa hadda la gaarsiiyay dadka deegaanka ka dhigtay  Janta-guuntisho  oo ah mid u badan   Bacaha Roobka laga galo, iyo waliba Maro kaneecoyin, ayaa hadana waxaan meesha ka marneyn in ay jiraan  noocyo kala duwan oo gargaar ah oo loo qeybiyay Qoysaska soo barakacay, sida Raashin Qalalan, saliid iyo waliba Maacuun, oo dhamaantood marka laysku geeyo la oran karo waa kuwo si weyn loogu baahnaa.

 

Laakiin marka dhanka kale la eego gargaarka hada la helay waxaa la oran karaa ma ahan mid lagu haleyn karo Qoysaska, waayo  waxaan cadeyn sida loogu soo laaban karo gudaha magaalada Bilaha soo socda daruufo loo badin karo dhinaca  caafimaadka, taasoo muujineysa sida mar walba lagama maarmaanka ay u tahay gacan loo fidiyo dadka hoygooda ka maqan.

 

Janta-kuudisho waxaa ay magaalada B/weyn u jirtaa ilaa 7km waana koontaroolkii hore ee Magaalada B/weyn xiligii Nidaamkii Malatariga, waa goob  ku haboon in la dago waayo waa meel dhulka ka sareysa isla markaana aysan suurtagal aheyn Fatahaadyadu saameeyaan,  muuqaal ahaana waa meel Indhahaaga soo jiidaneysa  buuruhuna ku wareegsan yihiin, laakiin marka aad dadka la sheekeysato waxaa ay kuu sheegayaan in  sababta kaliya ee aan loo dagi karin in ay tahay meel habeenkiina  qabow maalintiina  si weyn u kulul, laakiin mar walba arintaas waxaa ka daran dhibaatada dadka ka heysta  biyaha  magaalada .

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).