13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Shimbiro ka yimid Dalka Croatia oo ku dhintay Tuulada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 22, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Tuulada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Shimbiro ka yimid dalka Croatia ay ku dhinteen Tuuladaas, iyadoo markii ugu horeysay ee Shimbirahaas la arkayna ay ahayd 14-kii bishan.

 

Muxyaddiin Cabdi Barre oo ka mid ah Maamulka Tuulada Ceel Baraf ayaa sheegay in shimbirahan oo ay lugaha uga xiran yihiin silsilad koorteeda ay ku qoran tahay Croatia Institute of Birds ay tiradooda gaareyso inta dhimashadooda la xaqiijiyay ilaa 52 Shimbirood, walow ay dhici karto in ay shimbiro kale ku maqan yihiin amaba ay ku dhinteen dhulka howdka ah ee u dhow Tuulada Ceel Baraf.

Muxyaddiin waxaa uu intaas ku daray in Shimbirahan ay ahaayeen kuwo ay dadka dhaqan jireen bacdamaa aysan ka cararin dad booqday halka ay ku sugnaayeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in inta la dhex tegay si caadi ah loo tiriyay sida xoolihii oo kale.

 

Dhaqaatiirta, Hay’adaha Samafalka iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee fadhigoodu yahay Magaalada Jowhar ayaa booqday halka Shimbiraha lagu arkay, waxayna ku warbixiyeen dhaqaatiirta socdaalkooda kadib in ay maleynayaan in aysan Shimbiraha qabin wax cudur ah balse ay u dhinteen cimilada oo ay la qabsan waayeen iyo roobab lixaad leh oo ku da’ay waayo ayay yiraahdeen haddii ay cudur qabi lahaayeen waxaa ay u gudbin lahaayeen Shimbiraha kale ee ay deegaanka ugu tageen.

 

Dr. Maxamed Cali Xaamud oo ka mid ahaa Dhaqaatiirta Xoolaha ee booqday Tuulada Ceel Baraf ee Shimbiraha aan la aqoonin lagu arkay ayaa sheegay in Shimbirahaas ay ahaayeen kuwo ka yimid dalka Croatia sida ay ku arkeen Katiinado lugaha ugu xiran oo Koortooda laga dheehan karo magaca Croatia, wuxuuna Dhaqtarku ka codsaday dadka Soomaaliyeed haddii ay arkaan Shimbirahaas oo kale in ay soo sheegaan si loo baaro bacdamaa kuwa ay dul tageen ay ahaayeen kuwo bakhtiyay oo tiradoodu gaareysay ilaa 52 Shimbirood.

 

Dadka Tuulada Ceel Baraf ayay shimbirahan walaac ku abuureen, waxayna ka baqayaan inay xanuuno ka dilaacaan halka ay taalo raqda Shimbiraha, bacdamaa aysan helin cid rasmi ah uga xaqiijisay in ay shimbirahaas ahaayeen kuwo fayow oo u dhintay sabab la xiriirta cimilada oo ay la qabsan waayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).