Talaado,
Meydka marxuum Xasan Guuleed Abti-doon ayaa saakay lagu aasay Xaafadda Balanbala ee dalka Jabuuti, iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Jabuuti oo uu horkacayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay aaska meydka madaxweynihii hore ee Jabuuti ayaa sheegay in uu dalka Jabuuti gelayo seddex maalmood oo tacsi ah, isagoo marxuum Xasan Guuleed-na alle uga baryay in uu Jannadii ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii,Qaraabadii iyo dhamaan dadka reer Jabuuti oo uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Alle ha u naxariistee Madaxweyne Xasan Guuleed Abti-doon oo dhaqdhaqaaqyada siyaasadda Jabuuti ku biiray sanadkii 1950-kii xiligaasi oo uu noqday xubin ka tirsan Golaha Aqalka Wakiillada Jabuuti waxaa uu dalka Jabuuti madaxweyne ka noqday sanadkii 1977-kii ilaa laga soo gaaro sanadkii 1999-kii oo uu xilka madaxweynenimada ku wareejiyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online