Talaado, November 21, 2006 (HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka oo dhawaan soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo Qaadka ayaa beryahaan wuxuu dagaal kula jiraa ka hortegidda Qaad si qarsoodi ah loo geliyo Magaalada Muqdisho.
Kadib markii uu soo baxay amarka ay maxkamadaha ku mamnuuceen Qaadka ayay qaar ka mid ah ganacsatadii Qaadka ka baayac-mushtari jirtay oo quusan waayay waxay bilaabeen in ay si qarsoodi ah Qaadkii ku geliyaan magaalada Muqdisho, kadibna ay ku iibsadaan lacag adag oo aysan dadku wada awoodin. Matalan Rubaca Qaadka ah oo joogi jiray ka hor mamnuucidda Qaadka lacag u dhaxeysa 25-30 kun Shillin Soomaali ah, haatan wuxuu marayaa lacag ku dhow Boqol Kun.
Ganacsatada sida qarsoodiga ah u keensada Qaadka ayaa waxay isticmaalaan dhalinyaro aad u da’ yar, kuwaasi oo Qaadka uga soo iibiya deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose oo aan weli laga suulin, sida Degmada Afgooye iyo Degmada Marka, kadibna waxayna dhalinyaradan sameeyaan xeelado ay uga dhuumanayaan Ciidamada Maxkamadaha, xeelahaasoo ay ka mid tahay iyagoo gaariga ay saaran yihiin ka dega marka ay u soo dhawaadaan Koontaroollada ay joogaan Ciidamada Maxkamadaha, waxayna kadib meel hore uga soo dhacaan gaarigii ay saarnaayeen oo Wadada ku sii suga, intaasna waxay iskula xiriiraan dhalinyarada iyo gaariga Taleefoonada gacan-qaadka ah.
Haddaba Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee ku kala sugan Deegaanada Jawiil iyo Buur-Hakaba ayaa waxa qabteen Qaad laga keenay dhinaca gobollada dhexe iyo Magaalada Baydhabo, iyadoo dadkii lagu qabtayna ay sheegeen in ay doonayeen in ay u iib-geeyaan magaalada Muqdisho.
Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa dhawaan waxay soo saareen amar ay ku mamnuucayaan ka ganacsiga Qaadka iyo weliba cunistiisa, waxaana looga digay ganacsatada in ay lacagtooda iska geliyaan Qaadka oo gaarigii lagu arko isagoo wada lagu ganaaxayo lacag dhan 7 Milyan oo Shillin Soomaali ah, halka Qofkii lagu qabto isagoo cunayana lagu ganaaxayo 5 boqol kun oo Shillin Soomaali ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia