13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay Fatahaadda Webiyada Soomaaliya oo xalay Muqdisho lacag loogu uruuriyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 21, 2006 (HOL): Lacag gaareysa ilaa 300 Kun oo Doollarka Mareykanka ah ayay Dad Soomaaliyeed oo ku kala dhaqan Dalka gudahiisa iyo Dibaddiisa waxaa ay ugu deeqeen dadka ay waxyeelada ka soo gaartay fatahaado ay sameeyeen Webiyada Jubba iyo Shabeelle ee Dalka Soomaaliya.

Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay barnaamij shan saacadood socday oo Lacago loogu uruurinayay dadka ay dhibaatada fatahaadda soo gaartay, waxaana Idaacadda oo Sattelite-ka ku jirtay soo wacay Dadweyne Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalal u badan Qaaradda Yurub, kuwaasi oo ballanqaadyo lacageed sameynayay.

Sidoo kale waxaa Qadad Taleefoon la dhigay Machadka Maamulka iyo Maareynta SIMAD, kaasi oo isna ay soo wacayeen dad yabooh lacageed sameynayay. marka la isku soo uruuriyo lacagaha la qoray ee ay dadku ballanqaadeen waxaa ay gaareysaa 300,000US$, taasi oo la filayo in ay dadku si deg deg ah ugu soo gudbiyaan Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo ay dhawaan ay magacaabeen mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka.

Lacagihii ugu badnaa waxaa xalay ku deeqay Golaha Maxkamadaha Islaamka oo ku deeqay 50,000US$ iyo Midowga Shirkadaha Xawaaladaha oo iyana bixiyay lacag dhan 30,000$, halka ay iyana jireen ganacsato ballanqaadyo lacageed sameeyay, kuwaasi oo gudaha dalka iyo dibaddiisa ku sugan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo Idaacadda kala socday sida ay dadka ballanqaadyada u sameynayeen ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed haddiiba ay sidan oo isugu gurmanayaan aysan u baahneyn kaalmo dibadeed oo shisheeye uga timid.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo mahadcelin u jeediyay dadkii ballanqaadyada lacageed sameeyay ayaa codsaday in ay dadku si dhaqsi badan u soo diraan lacagahaas si deg deg wax loogu qabto dadka ay bara-kiciyeen Fatahaadaha Webiyada, kuwaasi oo ku sugan ilaa 6 gobol oo labada Webi ay maraan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay dadka Soomaaliyeed gurmad isu sameeyaan, waxaana lacag uruurintan ka horeysay mid loogu gurmanayay Dadkii ku tabaaloobay Abaarihii sanadkan bilowgiisa ku dhuftay Gobollo ka tirsan Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo lacagihii la uruuriyay loogu gaday raashin, dawo, biyo iyo alaabo kale oo ay baahi weyn u qabeen.

Haddaba Qofkii ka qeybqaadanaya gurmadka loo sameynayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay Fatahaadaha Webiyada waxaa uu lacagta uu dirayo ku hagaajin karaa Shirkadaha Xawaaladaha Magaaalada Muqdisho, isagoo ku qoraya Guddiga Gurmadka Fatahaadaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).