13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Diyaarad qaad wada oo ka degtay garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyadoo Ciidamada Maxkamadaha ay shalay Qaad gubeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 16, 2006(HOL): Diyaarad Qaad sida ayaa maanta markii ugu horeysay waxay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Maxkamadaha Islaamka, iyadoo shalayna ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Qaad gubeen.

 

Qaadkan oo sida la sheegay ka yimid dalka Kenya ayaa waxaa uu haatan yaallaa garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka iyo ganacsatada qaadkaas la soo degtay.

 

Maalintii shalay ahayd ayay ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan Siinka Dheer ee Wadada Afgooye waxaa ay gubeen Qaad tiro badn oo ganacsatada Qaadka Muqdisho ay ka soo iibsadeen Magaalada Hargeysa. Xubno ka tirsan ganacsatadii Qaadka laga gubay ayaa ku dooday in aaney waxba ka qabin haddii Qaad oo dhan la yeelato balse waxay ku goodiyeen in ay Maxkamadaha ka rabaan hantidooda haddii uu Qaad kale Muqdisho soo galo.

 

Gubista qaadkaas waxaa ka carooday ganacsatadii qaadka la soo degay oo iyagu ku andacooday in digniin la’aan laga gubay Qaad qiimo adag ugu fadhiyay. sidoo kalena waxaa ka xumaaday Qaadkaas la gubay Milkiilaha Garoonka No. 50 oo qaadkaas uu ka soo degay Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo sheegay in falka ay ku kaceen ciidamada Maxkamadaha ay keeneyso in uu garoonka iska xiro.

 

Si kastaba arrintu ha ahaataa, lama oga waxa ka soo bixi doona wada hadallada u socda Ganacsatada Qaadka kala soo degay garoonka Diyaaradaha iyo Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka, iyadoo ay haatan taagan tahay cabasho ay sameynayaan ganacsatadii shalay Qaadka laga gubay.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray arrimaha Xayiraadda Qaadkana waxaa ay sheegeen in ganacsatadii Qaadka ku iibin jirtay Suuqyada Muqdisho ay banaanbax rabshado wata ka dhigeen Wadada Sodonka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Black Sea iyo Hotel Salaama, inkastoo aaney ilaa haatan wax khasaare ah ka dhex dhalan dadkaas banaanbaxaya iyo ciidamada maxkamadaha Islaamka oo mararka qaarkood rasaas ku kala ceyrinaya banaanbaxayaasha oo aad u careysan

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).