13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Iiiraan, Xizbullaah iyo Maxkamadaha Islaamka oo beeniyay in ay taageero isu fidiyeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 16, 2006(HOL): Mas’uul u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan oo lagu magacaabo Maxmed Cali Xuseyni ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin ka soo baxday Guddi Qaramada Midoobay ay u xil saaratay la socoshada ku xadgudubka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran.

Mas’uulkan oo u waramay Wakaaladda Wararka Iiraan ee IRNA wuxuu intaas ku daray in warbixintaas oo uu ku sheegay mid la isku jacburiyay aaney run ka sheegin dalkiisa Iiraan, wuxuuna caddeeyay in aysan wax hub ah u dirin dalka Soomaliya.

Sidoo kalena Afhayeen u hadlay Ururka Xizbullaah ee dalka Lubnaan ayaa warbixinta ka soo baxday Guddigaas ku tilmaamay mid lagu qoslo oo aan xitaa istaahilin in jawaab laga bixiyo, wuxuuna carrabka ku caddeeyay in aaney jirin baahi ay Ciidamo dibadeed ugu baahdaan, iyagoo sida uu yiri heysta ciidamo ku filan.

Xoghayha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo isaguna wareysi siiyay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in aanu jirin xiriir dhexmaray Maxkamadaha Islaamka iyo Wadamada Iiraan Suuriya, Lubnaan iyo Dalal kale, wuxuuna sidoo kale Prof. Caddow uu beeniyay in ay hub ka heleen dalalkaas, “Hub waxaa nagu fila midkii aan ka furanay Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho aan kula dagaalannay, kaasi oo ka yimid dalka Itoobiya, mana u baahnin hub kale”ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow.

Warbixinta ka soo baxday Qaramada Midoobay oo ay soo uruuriyeen guddi la socday cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya ayaa waxaa lagu xusay  in Dowladda Suuriya ay diyaarad hub ah u dirtay Maxkamadaha Islaamka, sidoo kalena ay Dowladda Iiraan Maraakiib Hub ah u dirtay Soomaaliya, si ay ugu bedelato Macdanta aan looga maarmin farsamada Nuclear-ka, waxayna warbixinta si gaar ah loogu xusay in saraakiil ka socday Dowladda Iiraan ay tageen dalka Soomaaliya, si ay u helaan macdantaas.

Warbixinta waxaa kale oo lagu xusay in 720 Mujaahidiin ah oo Maxkamadaha Islaamka ka tirsan ay Ururka Xizbullaah ee Lubnaan ka dhisan ka barbar dagaalameen markii uu dagaalka kula jiray Dalka Israa’iil bartamihii sanadkan, iyadoo lagu xusay warbixinta in Mujaahidiintaas lacag loo qeybiyay, halka kuwo ku dhintayna qoysaskooda la siiyay lacag ay ku iloobaan oo aan la caddeynin halka ay rasmi ahaan ka timid.

Golaha ammaanka oo shir ka yeelan doona arrimha Soomaaliya Soomaaliya todobadka soo socda waxaa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay in ay dalalka Itoobiya iyo Eretereya oo cadaawad ay u dhaxeyso ay iyana hubeynayaan Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).