13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Kofi Annan oo ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka in ay Miiska Wada Hadalka ku laabtaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Halkan ka dhegeyso Warka oo Maqal ah
By: Salaad Xiis, Hiiraan Online

Khamiis, November 16, 2006 (HOL): Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan ayaa ugu baaqay Dhinacyada Soomaaliya isku haya ee dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka in ay ku laabtaan miiska wada hadalka, isagoo dhinaca kalena Beesha Caalamka ka codsaday in ay Soomaaliya ka deyso faragelinta.

Kofi Annan oo u waramayay Idaacada Codka Mareykanka ee VOA waxaa uu ku sheegay xaaladda Soomaaliya mid khatar ah, wuxuuna ku baaqay in la sii wada hadallada u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.

“Waxaan ugu baaqayaa labada dhinac ee Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka in ay ka hortagaan wax kasta oo iska hor imaad iyo tallaabo mileteri keeni kara”ayuu yiri Kofi Annan oo Dalka Soomaaliya ku qeexay Qaran Guul-dareystay oo dadkiisana muddo dheer uu dhibaato ku soo jiray.

Kofi Annan sidoo kale wuxuu baaq u diray Wadamada Soomaaliya la deriska, kuwaasi oo uu uga digay in ay uga sii daraan xaaladda adag ee uu dalka Soomaaliya ku jiro, “sidoo kale waxaan ugu baaqayaa wadamada Soomaaliya la deriska ah in ay faragelinta ka daayaan Soomaaliya oo xaaladdeedu ay horay u ahayd mid aan deganeyn, ma rabno in aan aragno xaaladdii oo sii adkaatay oo markaasina ay dalalka la deriska ah hub iyo ciidamo ku kala taageerayaan dhinacyada is-haya”ayuu yiri Kofi Annan.

Baaqa Kofi Annan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ay ku soo kala tageen wada hadallo u socday, isla markaana ay ciidamo ka kala amar qaata ay isku hor-fadhiyaan inta u dhaxeysa magaalooyinka Buur-Hakaba iyo Baydhabo.

Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo labo jeer kulan ku qaatay Dalka Suudaan, isla markaana isla saxiixday heshiisyo aan wax la taaban karo laga fulin ayaa ku guuleysan waayay in ay wada fariistaan kulankoodii seddexaad oo ay isla Khartoum-Sudan ku yeelan lahaayeen, iyadoo sababtii uu shirkaas u furmi waayayna ay ahayd shuruudo ay labada dhinac isku xirayeen.

Soomaaliya ma lahayn wax dowlad ah oo si rasmi ah u shaqeeyay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii Mileteriga ahayd, wadankiina wuxuu noqday mid ay ka taliyaan Qabaa’illo qudhooda is-quursanayaan, kuwaasi oo ku heshiin waayay in ay hal hoggaan sameystaan, Dowlado badan oo wadanka loo soo dhisayna waxaa ugu dambeysa Dowladda Federaalka oo iyadii muddo labo sanadood ah ku qaatay magaalooyin aan caasimaddii dalka ahayn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).