Arbaco, November 15, 2006(HOL): Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan Siinka Dheer ee Wadada Afgooye ayaa waxay gubeen 21 Jawaan oo Qaadka Hareeriga ah, kaasi oo ka soo degay garoonka Diyaaradaha No. 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo ciidamadu ay ku sheegeen sababta ay u gubeen in ay tahay in aanu ku habooneyn in magaalada lagu sii daayo.
Qaadkan oo ganacsatada wadatay sida ay sheegeen ka soo iibsaday Magaalada Hargeysa ayaa wuxuu ku socday Magaalada Muqdisho oo maalmihii tegay aan wax qaad ah helin kadib markii ay Dowladda Kenya xayiraad ku soo rogtay duulimaadyadii dhinaca Soomaaliya ka aadi jiray ama uga imaan jiray.
Ganacsatada Qaadka laga gubay ayaa ku dooday in digniin la’aan la iska gubay Qaadkii ay soo iibsadeen oo lacag badan ay ka gashay, waxayna intaas ku dareen in haddii loo digi lahaa ay iska deyn lahaayeen. sidoo kalena waxaa ka carooday tallaabada ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ku gubeen Qaadkaas Milkilaha garoonka Diyaaradaha No. 50 Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo sheegay in ay ahayd in loo digo ka hor inta uusan qaadka ka soo degin garoonkiisa.
Xildhibaan Xaaf waxaa uu sheegay in uu aad ula yaaban yahay sharci soo saaristiisa iyo fulintiisa ay hormareyso fulintiisa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay taasi mas’uuliyad darro tahay, wuxuuna mas’uuliyadda arrintaas dusha u saaray ciddii falkaas fulisay.
Xildhibaanka oo ka mid ah Xildhibaanada Muqdisho ku sugan ee la dhacsanaa howlgallada Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu sheegay in garoonkiisa oo qiimo adag ku kacaya ay qasab noqoneyso in uu iska xiro, isla markaana uu kala dirayo shaqaalaha ka shaqeeya bacdamaa uu saameynayo falka ay ciidamada Maxkamadaha Islaamka ku kaceen.
garoonka No. 50 ayaa ahaa garoonka uu ka soo degi jiray Qaadka ugu badan ee Muqdisho iyo gobollo kale oo Koofurta Soomaaliya laga isticmaalo tan iyo wixii ka dambeeyeen markii ay Maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Muqdisho, isla markaana ay howlgab noqdeen garoomo kale oo sidiisa oo kale macmal ah isla markaana ay isticmaali jireen diyaaradaha Qaadka Kenya ka keeni jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia