13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sheegay in ay soo dhamaaneyso dhibaatadii dadka Soomaaliyeed ka heysatay dhinaca Baasaboorka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 14, 2006(HOL): Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa sheegay in soo saarista Baasaboorka cusub ee Soomaaliya ay ku qasabtay dhibaatada haatan ka jirta Baasaboorkii Soomaaliyeed oo uu ku sheegay inaanay jirin meel haatan laga isticmaalo.

“Soo bandhigidii Baasaboorka cusub waxaa goob joog ka ahaa dhammaan Safaaradaha Beesha Caalamka ee ku sugan dalka Kenya, kuwaasoo aanu tusinay nuqullada Baasaboorka cusub oo hirgeli doona muddo lix bilood ah kadib” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Ismaaciil Buubaa waxaa uu sheegay in Baasaboorka cusub ee Soomaaliya uu yahay mid soo af-jari doona karaamo darradii ku dhacday Shacabka Soomaaliyeed oo Baasaboorkooda aan laga aqoonsaneyn Caalamka, wuxuuna caddeeyay in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay Baasaboorkaas heli karaan.

Md. Buubaa oo aynu wax ka weydiinay sida uu u arko heshiiska ay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Maxkamadaha Islaamiga ah ka soo saareen magaalada Muqdisho oo uu ku jiro qodob sheegaya in aan la qaadin cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in Shariif Xasan uu ka hor yimaado qodobkaas oo sida uu yiri ay isaga iyo xubnaha Baarlamaanka isku raaceen in la qaado xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya.

“Inuu Shariifka ka hor yimaado qodob uu Baarlamaanku ansixiyay waxay taasi u egtahay inuu doonayo inuu isaga baxo Baarlamaanka” ayuu yiri Md. Buubaa oo dhinaca kale sheegay in wada hadallada uu Muqdisho ka furay Guddoomiyaha Baarlamaanka ay yihiin kuwo aan wax ka khuseynin dowladda Federaalka, balse ay u heystaan ra’yi ku kooban Shariif Xasan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xildhibaano 50 Mudane gaaraya ayaa Muqdisho wada hadallo kula yeeshay mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka, iyadoo wada hadalladoodaasna uu ka soo baxay heshiis hordhac oo ay labada dhinac isla saxiixdeen, kaasi oo aan qodobadiisa lagu xusin in ka kala qaado Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maxkamadaha ee isku hor fadhiya inta u dhaxeysa Magaalooyinka Buur-Hakaba iyo Baydhabo, marka laga reebo in ay dhinacyadu isku af-garteen in wada hadallada la sii wado, lana joojiyo wixii colaad abuuri kara.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).