Talaado, November 14, 2006(HOL): Dhibaato adag oo dhinaca nolosha ah ayaa soo food saartay xiligan qaar ka mid ah Qoysaskii isaga baxay Gudaha Magaalada B/weyn, kadib markii dhamaan biyuhu Bur buriyeen Guryihii ay ku noolaayeen oo aaney biyuhu u kala soocin Dhagax iyo Jiingad.
Marka aad booqato goobaha dadku ku barakacay nolashu waa mid kala heerar duwan leh, maadaama markii horeba dadku ahaayeen kuwo kala dhaqaale iyo nolol sareeya. meelaha ugu daran ee dhinaatadu ka jirto ayaa waxaa la oran karaa waa goobaha aya ku barakaceen dadka danyarta ah oo markoodii horeba ku noolaa wax ay xooggooda ku shaqeystaan, islamarkaana aan ka badneyn nolosha maalintii oo kaliya.
Dadka Tuulada Reer Leebow oo ah markoodii hore ahaa dad Tacbato ah ayaan kula kulmay ayagoo meel banaan ah ka sameysatay Guryo Cooshado ka sameysan oo aan ka celin karin qobowga habeenkii iyo qoraxda daran ee maalintii ka jirta Goobta ay dagan yihiin.
Intii aan joogay Tuulada ayeey indhaheygu qabteen Hooyo Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka soo barakacay, waxaana xiligaas ay ii sheegtay in Caruurteeda ay ku quudiso Caleenta geedaha maadaama aysan heynin wax kale oo ay siiso, taasoo aan anigu idhaheyga ku arkay iyadoo dul fadhida dheri ay Caleen ku korsaneysay, halka caruurtuna ay gaararka ka fadhiyaan.
Noloshaasi marka aad eegto waa mid mar marka qaar qofka ku adkaaneysa in uu qaato laakiin waxaa caddaan ah in daruuftu tahay mid lama huraan ah oo qofka gaarsiisa in uu u maro wado kasta sidii uu noloshiisa iyo tan Qoyskiisaba uu u maareyn lahaa.
Ma ahan oo kaliya dadka dhibaatadu sameysay kuwii markii hore noloshooda ku soo saaran jiray xooggoda, laakiin hadda waxaa ay xaaladdu ku xun tahay xitaa kuwa laxaadkoodu dhiman yahay, sida wiil dhalinyaro ah oo ka go’an Qeybta hore ee Labada Gacmood kaasoo ii sheegay in markiisii hore uu ku noolaa dawarsi, balse hadda isaga iyo wiil yar oo uu dhalay noloshoodu tahay mid cariiri ah oo gargaar u baahan.
Hay’adaha samafalka oo wali ku mashquulsan sidii ay ula tacaali lahaayeen dhibaatada heysata qoysaska barakacay ayaa kaalmo aan badneyn gaarsiiyay meelaha qaar, gaar ahaan Tuulooyinka ay ku nool yihiin dadka nolashoodu liidato, sida uu HOL u sheegay Max’ed Muumin Nuur oo ah Madaxa Kacdoonka iyo Samafalka Bulshada Gobolka Hiiraan oo ka qeyb-qaadanayay Gar gaarka loo fidiyay Qoysaska danyarta ah.
Ugu dambeyntiina, waxaa xusid mudan in uu jiro shaki wali shaqaalaha Ajnibigu ka muujinayaan ka qeyb-qaadashada kaalamada loo fidinayo dadka dhabaatadu sameysay, waxaa si shakigaas loo bixiyo kulan wada qaatay Madaxda Hay’adaha Samafalka iyo Mas’uuliyiinta Maxkamadda Islaamiga ah ee Gobolka oo iyagu sheegay in ay ballanqaadayaan sugidda amniga haddiiba shaqaale Ajnabi ah ay imaanayaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia