13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Safiirka Dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo Muqdisho ku sugan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 13, 2006(HOL): Safiirka Dowladda Kenya u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo ka degay garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Socdaalka Danjiraha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta ay dhaqangashay xayiraad dhinaca duulimaadka ah ee ay Dowladda Kenya ku soo rogtay Dalka Soomaaliya, taasi oo si weyn u saameysay shacabka Soomaaliyeed oo qaarkood qaab ganacsi ugu xirnaayeen Kenya, halka qaarka kalena ay u aadi lahaayeen arrimo kale. Danjiraha ayaa wuxuu kulamo kula qaatay Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxkamadaha, kuwaasi oo uu ka mid yahay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow.

 

Kulankaasi kadib ayaa waxaa shir jaraa’id qabtay Danjire Maxamed Afey iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Fulinta  Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Jinaqow, waxayna labaduba sheegeen in uu kulankooda ku soo dhamaaday jawi is-afgarad leh.

 

Danjire waxaa Afey waxaa uu sheegay in ay Muqdisho u yimaadeen sidii ay Maxkamadaha uga dhaadhicin lahaayeen in lagu laabto wada hadallada bacdamaa sida uu yiri  haddii dalka Soomaaliya dowlad laga rabo taasi lagu gaari karo in dowladda iyo Maxkamadaha Islaamka wada hadlaan.

 

Sidoo kalena wuxuu ka hadlay Danjire Afey xayiraadda ay dowladdiisa ku soo rogtay duulimaadyadii dhinaca Soomaaliya uga imaan jiray, wuxuuna sheegay in aaney xayiraad ahayn balse ay tahay hakin wax lagu saxayo, wuxuuna caddeeyay in ujeedadu tahay in qaab sharci ah oo dowladeed duulimaadyada loo sameyn doono, dhawaana la ogaan doono, shacabka Soomaaliyeedna ay tegi doonaan dalka Kenya.

 

Shiikh C/raxmaan Jinaqow ayaa isaguna sheegay in ay Wafdiga Kenya iyo IGAD ka socday ee ay la kulmeen ay soo gaarsiiyeen labo casuumadood oo kala ah in ay Maxkamadaha Wada Hadallada ku laabtaan, sidoo kalena ay Wafdi ka socda Maxkamadaha Islaamka ay booqdaan Dalka Kenya, wuxuuna Shiikh C/raxmaan Caddeeyay in ay labaduba aqbaleen.

 

 

Wada hadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo Khartoum ka dhici lahaa ayaa shuruudo ay  furmi waayeen waxaa ka mid ahaa in Dowladda Kenya laga saaro shir guddoon shirka, iyadoo shuruuddaasina ay soo jeediyeen Maxkamadaha Islaamka oo ku andacooday in aaney dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dhawaan ka hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Kenya ay sameysay arrin wax ka bedeli karta mowqifka maxkamadaha Islaamka ay ka qabaan Dowladda Kenya, wuxuuna Shiikh Shariif hadalkaas jeediyay kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya oo uu Maxamed Cabdi Afey ku jiray ay u ololeeyeen in laga sii daayo garoonka diyaaradaha Nairobi xubno ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo si lama filaan ah ay diyaarad halkaasi ugu dejisay, iyadoo xubnaha wafdigaasna ay diyaaradda u saarnaayeen rag ilaalo ah oo hubeysan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).