13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

8 nin oo ka tirsan Kooxihii Burcad Badeedka ee Maraakiibta Afduuban jiray oo Muqdisho lagu soo xiray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 13, 2006(HOL): Waxaa xabsiga Maxkamadaha Islaamka ee magaalada Muqdisho ku xiran 8 nin oo ka tirsanaa Kooxihii Burcad Badeedka ahaa ee af-duuban jiray Maraakiibta ku socdaala Xeebaha Soomaaliya ee Ganacsiga iyo Dalxiiska isugu jira, kuwaasi oo dhawaan Maxkamad la soo taagi doono.

 

Raggan Burcad Badeedka ah oo iyaga iyo Markabkii ay saarnaayeen ay Muqdisho soo gaareen ayaa waxaa la soo taagi doono Maxkamadda Gobolka oo hoos tagta Golaha Maxkamadaha Islaamka, sida uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in uu soo af-jarmay isku daygii lagu carqaladeynayay ganacsiga Soomaaliya, wuxuuna arrintaas uga mahadceliyay Mas’uuliyiinta Degmada Xarar-dheere iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee deegaankaas ka howlgala oo iyagu u baabac dhigay in ay xoog ku soo furtaan

 

Markab dhawaan deegaanadaas lagu af-duubtay.

Shiikh Shariif waxaa uu arrin taariikhi ah ku tilmaamay in maanta shacabka Soomaaliyeed uu iska difaaci karo burcad badeedka, wuxuuna caddeeyay in af-duubyadii loo geysanayay Maraakiibta ku socda Xeebaha Soomaaliya ay ka dambeysay siyaasad, wuxuuna ugu baaqay dad uu sheegay in ay ka dambeeyeen in ay howlahaas ka qancaan, bacdamaa sida uu yiri shacabka Soomaaliya uu arrintaas ka dagaalamayo.

 

Intaas kadib waxaa isna ka hadlay munaasabaddii lagu wareejinayay Markabka M.V. Fishan I iyo 8da nin ee lagu soo qabtay Guddoomiyaha Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Maxamuud C/kariin Gabeyre oo ugu horeyn u mahadceliyay maamulka Degmada Xaradheere iyo Ciidamadooda oo suurtageliyay in soo furtaan Markabkii laga afduubtay, wuxuuna caddeeyay in ay maanta wixii ka dambeeya ka ba’day cabsidii ay ka qabeen in afduub loo geysto Maraakiibta Badeecooyinka ganacsi u wada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).