13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Maxkamadaha Islaamka ku eedeeyay in ay gacan Wada Hadallad kula jiraan, gacanta kale ay ku wadaan is-ballaarin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 12, 2006 (HOL): Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf  Axmed oo booqasho ku jooga Magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa ku eedeeyay Maxkamadaha islaamka in ay gacan Wada hadallo kula jiraan, gacan kalena ay ku wadaan is-ballaarin, wuxuuna caddeeyay in haddii Maxkamadaha ay wada hadallo dhab ah ay diyaar u yihiin ay iyaguna doonayaan.

 

Madaxweyne Yuusuf waxaa uu Magaalada Sanca kulan kula qaatay madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla, kaasi oo ay isla soo qaadeen waxyaabihii horumarka ahaa ee laga sameeyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo weliba wixii ku soo kordhay wada hadalladii kala dhaxeeyay Maxkamadaha Islaamka ee looga gol lahaa in xasilooni iyo deganaan lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa madaxweynaha Yemen uga warbixiyay natiijooyinkii ka soo baxay booqasho uu dalka Shiinaha ku tegay, halkaasi oo uu uga soo qeybgalay kulan ay ku lahaayeen Madax ka socotay Dalalka Afrika iyo Madaxweynaha Shiinaha.

 

Madaxweynaha Yemen ayaa intaas kadib wuxuu u qiray Madaxweynaha Soomaaliya in uu aad u daneynayo in nabaddii iyo xasiloonidii ay ku soo laabato Dalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in nabad ka dhalata dalka Soomaaliya ay dan ugu jirto dhamaan dalalka gobolka.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helnay socdaalka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegaya in madaxweynaha uu saacadaha soo socda ku wajahan yahay Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).