13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka oo ka soo horjeestay Wada Hadallada uu Guddoomiyaha Baarlamaanka la bilaabay Maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 12, 2006 (HOL): Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa ka soo horjeestay wada hadallada uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan uu la furay Maxkamadaha Islaamka, waxayna ku tilmaameen mid aan sharci ahayn.

 

Kulan ay Golaha Wasiirrada isugu yimaadeen xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa gunaanadkiisii waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhaqaaqay howl ay sharci u lahayd Xukuumadda Federaalka.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay inay Golaha Wasiirrada ay u arkayaan wada hadallada Guddoomiyaha Baarlamaanka la galay Maxkamadaha Islaamka kuwo gaar ahaaneed oo sida uu yiri aan wakiil uga ahayn Xukuumadda iyo Baarlamaanka, “waxaa danta ku jirtaa in lagu shaqeeyo Golayaasha Dowladda dhexdooda”ayuu yiri Wasiirka oo waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Madaxkamadaha iyo Xildhibaanada uu horkacayay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Cali Axmed Jaamac Jengeli  oo carrabka ku dhuftay in aaney jirin nabadgelyo ay Maxkamadaha dalka ku soo kordhiyeen, marka laga reebo in ay bur-buriyeen sida uu yiri heshiiyadii lagu soo gaaray Khartoum I iyo Khartoum II ayaa dhinaca kale waxaa uu sheegay ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in la ixtiraamo shuruucda iyo Axdiga Dowladda federaalka u yaalo, kuwaasi oo aan cidna ka sareynin.

 

Hadalkaas ka soo yeeray Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jawaabay oo wax lala yaabo ku tilmaamay Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo isagu dowladda Federaalka u saxiixay heshiiska hordhaca ah ee ay Afgooye ku gaareen Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay wax lala yaabo tahay in qof aanan waxba soo kordhineynin uu yiraahdo wixii la sameeyay ayaan diidayaaa.

 

Xildhibaan Cumar Xaashi waxaa uu sheegay in aaney Soomaalida heshiisiin karin dad ajnabi ah, balse ay iyagu dhexdooda ka heshiin karaan kadib marka ay isu tanaasulaan, “aniga ma garan karo sabab dibad loo aado oo shisheeye uu u dhexdhexaadiyo”ayuu yiri Xildhibaan Cumar Xaashi oo sheegay in aaney caqli noqoneynin in Beesha Caalamka la horfariisto iyadoo aananan wax la sii bisleynin.

 

Sidoo kalena waxaa maanta kulan ku yeeshay Hoyga Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho Xildhibaanadii Muqdisho ku sugnaa ee kulanka la qaatay Maxkamadaha Islaamka, waxayna gunaanadkii shirkooda ka soo saareen hadal saxaafadeed ay dhaliilayeen hadalkii ka soo baxay Golaha Wasiirrada, wuxuuna Xildhibaan Shariif Saalax Maxamed Cali oo Xildhibaanadaas u hadlay uu nasiib darro ku tilmaamay in sida uu yiri Xukuumadda hataan joogta Baydhabo ay garan weysay waxyarka weyn ee uu leeyahay heshiiskii ay Maxkamadaha la gaareen, isagoo ku sii af-gobaadsaday in ay Xildhibaanadooda Xamar jooga ay ku dadaalayaan sidii nabad dalka looga dhalin lahaa.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa mar kale soo muuqanaya kala qeybsan soo kala dhexgelaya Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo muddo 9 bilood ah kala degeneyd Muqdisho iyo Jowhar, iyadoo haatanna sawirka muuqda uu yahay in Dowladdii ay mar kale kala degeyso Muqdisho iyo Baydhabo waqti aan la cayimin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).