Magaalada oo xaalad adag sii gashay xili wali biyuhu ku sii socdaan
Axad, November 12, 2006 (HOL): Marka aad kor ka eegto magaalada B/weyn oo xarun u ah Gobalka Hiiraan xiligan waxaa la oran karaa Waa jasiirad dhamaanteed ay biyuhu dhax jiifteen, kadib markii 24 saac ee la soo dhaafay Guud ahaan magaaladu ay simeen biyaha ku soo fatahaya.
Marka aad dusha sare ka eegto Guryahii ku yiilay xaafadaha Qaar waxaa kuu soo baxaya in buyuhu dhulka ka sareeyaan (1.60) (hal Mitir iyo Lexdan) meelaha qaarna biyahu waxaa ay dhulka ka sareeyaan Ilaa (2 Mitir) waxaa iyana jira Guryo badan oo horay u sii Raacay biyaha aan kala Go’a
laheyn ee ku socda gudaha magaalada,
Heer quus ah ayeey marxaladu mareysaa, waxaana Faras magaalaha laga bilaabay in laga raro dhamaan hantidii tiilay, gaar ahaan goobaha ganacsiga oo
Dadka isaga baxaya magaalada oo nin walba wixii uu heli karay ku raray Qoyskiisii ayaa waxaa ay Quus ka taagan yihiin hada mariinka wada Laamiga ah oo ay biyuhu jareen, kuwii gadiidka heli karayna waxaa laga mam nuucay in ay dul maraan Buunto yar oo ku taal bartamaha laamiga oo ah halka kaliya ee maanta dadka Reer B/weyn u furan,
Waxa kaliya ee hada laga fikirayo marka aad dadka la sheekeysato ma’aha xaalada taagan ee waxaa ay tahay sidii magaalada looga saari lahaa wax yaabaha ku harsan taasoo kuu muujineysa in magaalda oo idil laga rajo dhigay,
Ciidamada maxkamada islaamiga oo tan iyo Markii ay biyhu bilaawdeen howlo adag hayay ayaa hada ku mashquulsan ilaalinta Buundooyinka magaalada oo laga yaabo in baabuurtu jaraan.
sidoo kale ciidamadu waxaa ay siweyn idhaha ugu hayaan amaanka dadka isaga baxay magaalada oo laga yaabo in ay ku dhax dhuuntaan kooxo burcad ah maadaama meel banaan ah la wada jiifo.
Dhinaca ha’adaha samafalka xiligan warkooda lama hayo oo waxaa la
Xarunta Gobalka Hiiraan ee Magaalada B/weyn si kastoo wax looga qoro waxaa la oran karaa uun ma’aha magaaladii la yaqiinay, dadka arimahan fatahaadaha aqoonta u lehna waxaa ay kuu sheegayaan in arintani Biyo baxadii la yaqiinay ay ka badan yihiin marka loo eego tii 1997 oo biyuhu aysan sidan u xoog badneyn.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia