13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Maamul Goboleedka Gal-Mudug oo dalbaday in ay deegaanadooda ka baxaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamul goboleedka Puntland

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 11, 2006(HOL): Mas’uuliyiin u hadlay maamul goboleedka Gal-Mudug ayaa sheegay in ay dhibaato weyn ku qabaan ciidamo ka amar qaata Itoobiya iyo Puntland oo ku sugan deegaanada uu maamulkooda ka taliyo, waxayna tilmaameen in ay halkaasi ku joogaan ciidamadaasi xooggooda.

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Gal-Mudug Danjire C/salaan Xaaji Aadan Dhaban-Cas ayaa ugu baaqay ciidamadaas in ay deegaanka isaga baxaan, isla markaana ay dhowraan derisnimo ku wada noolaashaha, inkastoo uu sheegay in Cabdi Qeybdiid oo deegaanadaas ciidamo ku heysta uu yahay nin ka soo jeeda deegaankaas, balse waxa uu wado ay yihiin wax aysan raali ka ahayn dadka deegaanka.

Ma ahan mas’uulkii ugu horeeyay ee u hadlay maamul goboleedka Gal-mudug ee ku baaqay in ay ciidamada Itoobiyaanka isaga baxaan deegaanada uu maamulkoodu ka taliyo, waxaana horay baaq midkaas la mid ah u soo jeediyay afhayeenka Maamul goboleedkaas Iimaan Xasan Jirow oo sheegay in ay ciidamadaas isaga baxaan deegaanad Puntland, “Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Gal-mudug waa in ay deegaanadaas ka soo baxaan oo ay ku laabtaan deegaanada ay difaaca u leeyihiin”ayuu yiri Iimaan Xasan Jirow.

Iimaan Xasan Jirow waxaa kale oo uu ka hadlay qudbaddii uu dhawaan Madaxweyne Cadde Muuse ka jeediyay Magaalada Gaalkacyo ee uu ku sheegay in ay weerarro ku soo socdaan, sidoo kalena sababta loo diidan yahay Dowladda Federaallka ay tahay in uu madaxweyne ka yahay nin Daarood ah, “Hadalka ka soo yeeray Cadde Muuse uma muuqan mid mas’uuliyadeed, iyadoo Soomaaliya oo la ogyahay in muddo 16 sano ah dhibaato ku soo jirtayna ma ahayn in uu nin mas’uul ah colaad ku baaqo oo uu waa warey yiraahdo”ayuu yiri Imaan Xasan Jirow oo sheegay in hadallada ka soo yeeray Madaxweyne Cadde ay ahaayeen kuwo colaad hurinayay.

Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo kale oo ka kala amar qaata Puntlnad, Itoobiya iyo Cabdi Qeybdiid ayaa waxay ku kala sugan yihiin Deegaanada Gelinsoor iyo Bandiiradley, iyadoo dhawaana ay dhexmartay is-rasaaseyn aan khasaare ka dhalan, waa sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo Xamar shir jaraa’id ku qabtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).