13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Magaalada Beledweyne oo biyo ay dhex jiifaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 11, 2006(HOL): Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhex jiifo biyo ka soo fatahay Webiga Shabeelle oo si weyn u biyo keenay, waxayna fatahaaddaas sababtay in ay dadka isaga baxaan magaalada, isla markaana ay isugu tagaan meelaha taagagga ah oo aysan biyaha gaari karin.

Afarta Xaafadood ee magaaladaas ee kala ah Xaawo Taako, Howl-Wadaag, Buundo-weyn iyo Kooshin ayaa gebi ahaantood waxay harqiyay biyaha Fatahaadda ah ee Webiga ka yimid. Sida uu ku soo waramayo Wariyaheena magaalada Beledweyne C/raxmaan Diini dadweynihii ku sugnaa Magaalada Beledwyene ayaa xalay guryahooda ka dhaxay sabab la xiriirta biyo ka buuxsamay, iyadoo caruurtii iyo haweenkii ay shalay goor hore isaga baxeen Magaalada, isla markaana ay aadeen deegaanada Ceel Jaalle iyo Janta Kuundisho.

Saakay ayaa lagu soo waramayaa in la bilaabay in la xero goobihii ganacsiga oo ay biyuhu saameeyeen, sidoo kalena magaalada laga jaro adeeggii Korontada, si aysan waxyeello uga dhalan. Hubaashii waxaa ka jira Magaalada Beledweyne xaalad bani’aadannimo oo ka dhashay Fatahaadda magaalada soo gashay.

Marka laga soo tago Fatahaadda webiga ee Magaalada Beledweyne saameysay, waxaa jiro Gaadiid safar ah oo isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Gobollada Dhexe, kuwaasi oo aaney haatan suurtagal u ahayn in ay sii wataan safarkooda sabab la xiriirta in ay biyo xireen wadadii ay ku socdaali lahaayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).