13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Maraakiibta iyo Doomaha sharci darrada ku soo gala Xeebaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 09, 2006(HOL): Maxkamadaha Islaamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabo ka qaadi doonaan Maraakiibta iyo Doomaha sida sharci darrada ah u soo gala Xeebaha Soomaaliya.

Hadalkan waxaa ku dhawaaqay Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo sheegay in aan haatan kadib loo dulqaadan doonin Maraakiibta iyo Doomaha sida sharci darrada ku soo gala Xeebaha Soomaaliya ee iska qaata kheyraadka uu leeyahay Dalka Soomaaliya, wuxuuna ka fogeeyay Shiikh Yuusuf Maxkamadaha Islaamka mas’uuliyadda wixii dhibaato ah ee soo gaara Maraakiibta iyo Doomaha sharci darrada ku socda.

Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo Mudisho shir jaraa’id ku qabtay waxaa kale oo uu ka hadlay howlgalkii ay Maxkamadaha Islaamka ku soo furteen Markab ay Kooxo Burcad Badeed ah ku heysteen Xeebaha Xaradheere, wuxuuna tilmaamay in howlgalkaas uu si guul ah ku soo dhamaaday, inkastoo uu sheegay in intii uu socday Howlgalka ay soo Ciidamada Maxkamadaha rasaas ku soo rideen Maraakiib uu caddeeyay in ay yihiin kuwo ay Soomaaliya leedahay balse sida uu hadalka u yiri uu xoog ku heysto Inj. Munye Saciid Cumar.

Af-duubkii loo geystay Markabka ay Ciidamada Maxkamadaha soo furteen ayuu Shiikh Yuusuf Indha Cadde ku sheegay in uu ahaa mid siyaasadeed bacdamaa sida uu yiri uu Munye si sharci darro ah ku heysto Maraakiib Soomaaliyeed, welibana uu xiriir la leeyahay Nimanka Baydhabo fadhiya oo Itoobiya ka amar qaata, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay Shirka Jaraa’id ee ay Maxkamadaha Islaamka digniinta ugu jeedinayeen Maraakiibta iyo Doomaha sharci darrada ku socda Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys oo caddeeyay waxa ay muteysan doonaan Kooxihii ay Ciidamada Badda Maxkamadaha Islaamka soo qabteen ee Markabka af-duubtay, wuxuuna sheegay in raggaas ay wajihi doonaan wixii ay shareecada Islaamka ka qabto Burcadda.

Howlgalka ay ciidamada Maxkamadaha Islaamka ku soo furteen Markabka M.V. Fishan ayaa waxaa soo dhaweeyay ganacsatada iyo dadka Soomaaliyeed iyo weliba Shirkadaha iska leh Maraakiibta inta badan loo soo kireysto Soomaaliya, kuwaasi oo cabsi ka qabay in dhibaato loo geysto Maraakiibtooda iyo shaqaalaha saaran.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).