Khamiis, November 09, 2006(HOL): Ganacsatada Gobolka Banaadir oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxay u hambalyeeyeen Maxkamadaha Islaamka oo ciidamadoodu ay xoog ku soo furteen Markab ay Koox Burcad Badeed ah qafaalatay, waxayna tallaabadaasi ku tilmaameen mid geesinimo leh oo loo baahnaa.
Afhayeenka Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale ayaa ku tilmaamay howlgalka ay Ciidamada Maxkamadaha fuliyeen guul weyn oo u soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in ay 100% ganacsatadu soo dhaweeyeen.
“Waxaan filayaa in ay ahayd arrinta soo furashada Markabka mid aaney jirin cid sawiri karta, waana uga mahadcelinay Maxkamadaha Islaamka oo farsamadooda ay dhabarka ka jebisay Kooxihii wax af-duuban jiray” ayuu yiri Cabaas Maxamed Ducaale.
Afhayeenka ganacsatada Gobolka Banaadir waxaa uu dhanka kale digniin u jeediyay Maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay Xeebaha Soomaaliyeed yeesheen Ciidamo ilaaliya oo ka hortaga dadka ku soo xadgudba, “Waxaan leeyahay Maraakiibtii guran jiray Kheyraadka Soomaaliyeed yeynan ku kadsoomin in ay iska sii wataan xaalufinta Badda Soomaaliya”ayuu yiri Cabdaas Maxamed Ducaale oo u sheegay ganacsatada Maraakiibta soo kireysata iyo Hay’adahaba in ay amaan yihiin Xeebaha Soomaaliya oo lagu safri karo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa tan iyo markii ay Xeebaha Soomaaliya ka dilaaceen Kooxaha Burcad Badeedka waxay cabsi weyn ka qabeen sida ay dhib la’aan badeecadooda ku gaari karto Dekedaha ay u wadaan, waxayna cabsidaas qaadeen kadib markii af-duub loo geystay dhowr Markab oo ay soo kireysteen, kuwaasi oo qaarkood sii deyntooda looga qaatay Lacag madax furasho ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia