Khamiis, November 09, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in aaney jirin meel ay Diinta Islaamka ku sheegeyso in la is-heyb sooco oo la is-quursado, wuxuuna tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in ay arrintaas ka gudbaan dadka Soomaaliyeed.
Shiikh Shariif oo ka hadlayay xaflad lagu furayay Dugsi ay wax ku baran doonaan Hablaha la heyb sooco, si looga dhiso dhinaca aqoontooda ayaa wuxuu sheegay in laga gudbay xiligii jaahiliyadda, “maanta waa dhamaaday in la is-faquuqo oo la isku faquuqo wax aan diinta sal ku lahayn, waxaan leenahay qofkii wax faquuqayow Alle u towbad keen”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan cadaaladda iyo sinnaanta Diinta Islaamka.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in waxyaabaha lagu faquuqay Beelaha qaarkood ay ka mid yihiin farsamo ay leeyihiin, wuxuuna tilmaamay in maanta caalamka uu ku tartamo xirfadda, “dhamaanteen waa in aan ku baraarugno arrintaas in ay qalad tahay”ayuuna yiri Shiikh Shariif.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in aan caadooyinka is-faquuqa aanan looga gudbi karin hadal oo kaliya balse loo baahan yahay in qaab ficil ah loo wajaho, isla markaana la bilaabo in la guursado gabdhaha la faquuqo, iyadoo ay bilaabayaan sida uu hadalka u dhigay Odayaasha Maxkamadaha hoggaanka u ah.
Waxaa isna ka hadlay xafladdii lagu furayay Markazka Badbaado ee ay wax ku baranayaan Gabdhaha ka soo jeeda beelaha la liido Guddoomiyaha Shirkadad Barakaat Axmed Nuur Cali Jimcaale oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku mid ah oo aan la kala saari karin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aaney beelaha la isir faquuqo isku qabanin in mararka qaarkood la sheegto Beeshooda oo Liiskooda la isku daro, mararka qaarkoodna la yaso.
Madaxa Markazka Badbaado ee shalay la furay Aamino Xuseen Geedi ayaa iyaduna sheegtay in haddii ay yihiin Gabdhaha beelaha la isir takooro aysan Beelaha ay ka dhasheen dartood u guur waayin oo la guursado balse xaqiraad uga timd beelaha waa weyn ay u keentay in ay dib uga dhacaan dhinaca Horumarka Diineed.
Waa tallaabadii labaad oo uu Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu u qaaday dhinaca baabi’inta quursiga lagu hayo qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna horay Shiikh Shariif kulan dhiirigelin ah ula yeeshay Rag iyo Haween ka socday Beelaha la heyb sooco, kuwaasi oo uu ugu nasteexeeyay in ay Diinta Islaamka xuquuqdooda banaanka soo dhigeyso bacdamaa ay yihiin Dad Muslimiin ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia