Arbaco, November 08, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka dibaddiisa ka joogaan in ay isugu tagaan Magaalada Baydhabo si looga wada hadlo arrimo muhiim ah oo dowladda Federaalka horyaala.
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in markii ay tashadeen isaga, Madaxweynaha iyo Ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ay go’aansadeen in Xildhibaanada Baarlamaanka ay isugu tagaan Magaalada Baydhabo, si Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay warbixin u siiyaan Wafdigii Khartoum ka soo laabtaan, sidoo kalena looga wada hadlo duruufo iyo dhibaatooyin la soo gudboonaaday shacabka Soomaaliyeed.
“Aniga oo farriinta Madaxweynaha xambaarsan waxaan idiin soo jeedinayaa in aad soo duushaan kuligiin, madaxweynuhuna waxaan filaa maalin iyo labo maalin kadib uu ku soo aadan Nairobi, isaguna toos ayuu u imaan doonaa”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo hadalkiisaas ay Xildhibaano ku sugan Magaalada Nairobi ay ka dhegeysanayeen taleefoon codka wadar looga maqli karo.
Haddaba iyadoo uu Ra’iisal Wasaare Geedi baaqaas jeedinayo, horayna uu u jeediyay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa waxaa Muqdisho ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xildhibaano 50 Mudane gaaraya, kuwaasi oo maalintii shalay ahayd wada hadallo la furay Maxkamadaha Islaamka oo si buuxda uga taliya Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia