Arbaco, November 08, 2006(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Shiikh Aadan oo haatan Muqdisho u jooga sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in ujeedada uu Muqdisho u yimid ay ugu weyn tahay sidii la isu waafajin lahaa Aqoonsiga ay Dowladda Federaalka heysato iyo Awoodda ay leeyihiin Maxkamadaha Islaamka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shalay Mas’uuliyiin ka socotay Maxkamadaha Islaamka kula shiray Degmada Afgooye ayaa u sheegay Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka in dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay tahay dowladda kaliya ee caalamka aqoonsiga ka heysata, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay doonayaan in aan aqoonsigaas la dhumin, awooda Maxkamadaha iyo nabadda ay keeneena aan la dhumin oo la isu keeno.
Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu ka codsaday Maxkamadaha Islaamka in aaney fogeynin dowladda Federaalka oo ay soo dhaweeyaan, si looga baxo karaamo darrada ku dhacday dadka Soomaaliyeed oo soo maray toban sano oo aaney jirin adeegyadii ay bulshada ay u baahnaayeen.
Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in dastuurka u degsan dowladda Federaalka uu yahay mid lagu kala qeexay kaliya awoodaha mas’uuliyiinta dowladda si aaney u dhicin in uu hal ruux isku fuuqsado.
Intaas kadib waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ugu horeyn Guddoomiyaha baarlamaanka iyo mudanayaasha la socday ugu mahadceliyay safarka ay Xamar ku tageen, kadibna wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in lagu wada hadlayo gudaha dalka, gaar ahaan Beer iyo Geed hoostiis, wuxuuna tilmaamay in aan loo baahneyn Hotello dhaadheer iyo safarro dibadda ah, Maxkamadaha Islaamkana ay soo dhaweynayaan cid kasta wada hadal diyaar u ah.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in dadaalkii ay soo galeen Maxkamadaha Islaamka uu saldhig u ahaa Kitaabka Qur’aanka iyo Sunnada Nabiga iyo shacabka Soomaaliyeed oo u istaagay in ay arrintaas taaba-gasho, wuxuuna kadib u duceeyay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dadaalkii ay Maxkamadaha soo galeen.
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif waxaa uu eedeyn u jeediyay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee Baydhabo jooga, kuwaasi oo uu sheegay in aysan maalin-na ka shaqeynin danta Umadda Soomaaliyeed, “Waxaad ogsoonsoon tihiin shirkii Khartoum waxaa loo bixiyay dad aan diyaar u ahayn in Soomaali wada hadasho oo heshiiso, isla markaasna dalka waxaa soo galay ciidamo aad u faro badan oo ka yimid dalka Itoobiya, iyadoo ujeedadu tahay in wada hadalkuna istaago Itoobiyaankuna ay qabsadaan Soomaaliya, Alle ayaa mahad leh Soomaalida iyo Itoobiyaanka aad ayay isu yaqaanaan waqti dheer ayaa dagaallo ka soo dhex dhici jireen, waxaan ku fikireynay in cadaawadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ay istaagi doonto oo maskax furan lagu wada hadli doono”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in Shacabka Itoobiya dhamaantiis aysan dhibaatada wax ka wadin balse ay yihiin waxa dhibka wada Tigree-ga uu ka dhashay Meles Zenawi.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in ku talagalkoodu uu ahaa in wada hadalka lagu gaaro natiijo umadda Soomaaliyeed isugu timaado, raali gelisa umadda Soomaaliyeed maxaa yeelay buu yiri ma shaqeyn karto dowlad aan taageero ka heysan shacabkeeda, waxa ay taageeradaas ku dhumiyeena waa daba jooga ay daba joogaan Itoobiya ama taliska Meles Zenawi.
Kulankii hordhaca ahaa ee mas’uuliyiinta ka socotay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha isugu yimaadeen waxaa lagu magacaabay guddi ay labada dhinac iska soo dhex xuleen, kaasi oo sii wadi doona wada hadallada u bilowday qeyb ka mid ah Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ee sida buuxda uga taliya Magaalada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, kulankan ay mas’uuliyiinta ka socotay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka isku soo horfariisteen ayaa waxaa ku soo beegmayaa iyadoo ay Khartoum ku soo kala tageen wufuud kala meteleysay labada dhinac, kuwaasi oo isku xiray shuruudo ad-adag oo wada hadalladii socdy laga sii wadi waayay, waxaana haatan la eegayaa halka ay iyana gaaraan wada hadallada uu iskiis ula bilaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxkamdaha Islaamka iyo go’aanka ay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ka qaataan dadaallada dib u heshiisiinta ah ee uu bilaabay Guddoomiyaha Baarlamanka oo haatan ay Muqdisho la joogaan Xildhibaano 50 mudane ka badan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia