13.8 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Wada Hadallo Dib u Heshiisiin ah oo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka uga bilowday Degmada Afgooye

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, November 07, 2006(HOL): Waxaa kulan ku yeeshay Beerta Shiikh Za’id uu ku leeyahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Xildhibaano ka socday Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo xubo ka socday labada gole ee Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo ay horkacayeen Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Kulankan ayay labada dhinac uga wada hadlayeen sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhex oogantay dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo iyagu isugu soo haray aayo ka talinta Dalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maxkamadaha Islaamka ka codsaday in aysan sii fogeynin dowladda Federaalka, si loogu najaxo wada hadallada socda, sidoo kale aaney inkirin aqoonsiga dowladda Federaalka, halka dowladdana aaney suurtagal u ahayn in ay inkirto Caasimadda Muqdisho awoodda ka jirta.

 

“Annaga ujeedada ugu weyn ee aan idinkugu nimid waa in la is-waafajiyo aqoonsiga dowladnimo iyo awoodda ay maxkamadaha Islaamku leeyihiin”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka codsaday Maxkamadaha Islaamka in la isu tanaasulo.

 

Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu sheegay in kadib markii ay horay u socon waayeen wada hadalladii Khartoum ay isaga iyo Xildhibaanada Nairobi kala yimid iyo kuwii horay Muqdisho u sii joogayba ay wada guddoonsadeen in ay wada hadallo la furaan maxkamadaha Islaamka.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa kale oo uu maxkamadaha ka codsaday in cayiraadda dhinaca ganacsiga ah ee lagu soo rogay la qaado, wuxuuna tilmaamay in ay haatan dhibaato weyn ka jirto gobollada Bay iyo Bakool, sidoo kalena wuxuu ku baaqay in la kala qaado Ciidamada labada dhinac ee is-horfadhiya.

 

Guddoomiyaha Guddiga fulinta maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dadka haddii ay Muslimiin yihiin ay waajib ku tahay in ay shareecada Islaamka isku xakumaan, wuxuuna Guddoomiyaha Baarlamaanka guddoonsiiyay Kitaab Qur’aan ah, kaasi oo uu sheegay in looga baahan yahay in ay dadka Soomaaliyeed isku xakumaan, wuxuuna meesha ka saaray ku dhaqanka Dastuurka Bani’aadam-sameyga ah ee inta badan lagu dhaqo dowladaha loo soo dhiso dalka Soomaaliya.

 

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in aysan marna ka tanaasulin in dalka la difaaco, lana wada hadlo, wuxuuse tilmaamay sida uu hadalka u dhigay in aysan ragga Baydhabo weligood ka shaqeynin danta Umadda Soomaaliyeed.

 

Xildhibaano ay ka mid ahaayeen Maxamed Cabdi Yuusuf, Cumar Xaashi Aadan iyo Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa iyaguna ka hadlay wada hadalladii dowladda u furmay, waxayna sheegeen oo ay isaga mid ahaayeen in loo baahan yahay in ay dowladda iyo Maxkamadahaba isu tanaasulaan.

 

Kulankii  hordhaca ahaa ee mas’uuliyiinta ka socotay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha isugu yimaadeen waxaa lagu magacaabay guddi ay labada dhinac iska soo dhex xuleen, kaasi oo sii wadi doona wada hadallada u bilowday qeyb ka mid ah Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ee sida buuxda uga taliya Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, kulankan ay mas’uuliyiinta ka socotay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka isku soo horfariisteen ayaa waxaa ku soo beegmayaa iyadoo ay Khartoum ku soo kala tageen wufuud kala meteleysay labada dhinac, kuwaasi oo isku xiray shuruudo ad-adag oo wada hadalladii socdy laga sii wadi waayay, waxaana haatan la eegayaa halka ay iyana gaaraan wada hadallada uu iskiis ula bilaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxkamdaha Islaamka iyo go’aanka ay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ka qaataan dadaallada dib u heshiisiinta ah ee uu bilaabay Guddoomiyaha Baarlamanka oo haatan ay Muqdisho la joogaan Xildhibaano 50 mudane ka badan.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).