13.8 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Banaanbixii looga soo horjeeday tegitaanka Muqdisho ee guddoomiyaha Baarlamaanka lug maku lahayd Dowladda Federaalka?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 07, 2006(HOL): Banaanbixii looga soo horjeeday tegitaanka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee shalay Baydhabo ka dhacay ayaa la sheegay in uu ahaa mid aysan lug ku lahayn soo qaabeyntiisa dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Axmed Maadey Isaaq oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii Banaanbaxaasi soo agaasimay ayaa sheegay in banaanbaxaasi ay uga soo horjeedeen tegista uu Guddoomiye Shariif Xasan Muqdisho tegay isagoo aanan Baydhabo tegin, wuxuuna caddeeyay in Banaanbaxaasi uu ahaa mid aysan wax shaqo ah ku lahayn Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

“Annaga Maamulkeena maamul la soo doortay waaye, waa maamul deegaan, dowlad dhexe-na shuqul kuma leh, howsheedana iyada ayaa leh, banaanbaxa Baydhabo ka dhacay waa Banaanbax Digil iyo Mirifle, siyaasadna shaqo kuma lahan, dadku waxay muujiyeen inay ka xun yihiin in uu Shariif Xasan xiligan Muqdisho dego”ayuu yiri Axmed Maadeey Isaaq.

Axmed Maadeey Isaaq waxaa uu sheegay in ay lama filaan ku noqotay in guddoomiyihii oo Suudaan joogay la yiri Xamar ayaa ku degay, sidoo kalena wuxuu carrabka ku dhuftay in ay dareemo kale jiraan, kuwaasi oo ah in uu Guddoomiyaha Baarlamaanka u galay Maxkamadaha Islaamka, balse wuxuu taasi u daayay in la arki doono haddii uu Xamar u tegay nabadeyn iyo haddii uu Maxkamadaha u galay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa markii uu dorraad ka degay Magaalada Muqdisho waxaa la weydiiyay sababta uu uga jawaabi waayay codsi uga yimid mas’uuliyiinta dowladda ee Baydhabo fadhida, kaasi oo ahaa in uu Baydhabo tago, wuxuuna sheegay Guddoomiye Shariif Xasan in baaqaas dib loola dhacay, isla markaana aysan qasab ahayn in uu Madaxweynaha iyo ra’iisal Wasaaraha fasax uga helo socdaalkiisa Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).