13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Wafdi ka socda Maxkamadaha Islaamka oo su’aalo lagu soo weydiiyay Nairobi kadib markii ay diyaarad si lama filaan ah ugu dejisay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 07, 2006(HOL): Waxaa la sii daayay oo dib xoriyaddoodii u helay Wafdi ka socday Maxkamadaha Islaamka Gobollada Jubbooyinka, kuwaasi oo si lama filaan ah ay Nairobi ugu dejisay diyaarad ka qaaday Magaalada Kismaayo, kadib markii ay cilad ay ku timid.

Xubnaha wafdigaas oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Gobollada Jubbooyinka ee Maxkamadaha Islaamka Axmed Shiikh Maxamed Islaan iyo Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Jubbooyinka Ibraahin Shukri Shiikh Axmed ayaa waxay ku soo jeediyeen Magaalada Muqdisho markii ay diyaaradda ciladda geleysay, wuxuuna duuliyihii diyaaradda waday ku wargeliyay in aysan ku degi karin meel aanan Nairobi ahayn, bacdamaa aanan habeenkii lagu degi karin garoomada Muqdisho iyo Kismaayo.

Ibraahim Shukri Shiikh Axmed oo markii uu Kismaayo ku soo laabtay wariyayaasha la hadlay ayaa sheegay in ay Nairobi su’aalo ku weydiiyeen saraakiil ka socotay sir-doonka Kenya iyo kuwo kale oo uusan garaneynin waxa ay ahaayeen, inkastoo uu ka gaabsaday in uu sheego waxyaabihii la weydiiyay.

Sii deyntooda ayuu sheegay Ibraahim Shukri in uu kaalin weyn ka qaatay Safiirka Dowladda Kenya u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey, kaasi oo uu sheegay in uu muujiyay muslinnimo, walaalnimo, sidoo kalena wuxuu xusay in ay sii deyntooda u ololeeyeen Soomaalida ku sugan Nairobi iyo weliba kuwo Soomaali ah oo dowladda Kenya ku jira.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in ay diyaaradda u saarnaayeen Qori iyo 2 Bastooladood oo ay isku waardiyeynayeen, kuwaasi oo aan laga soo reeban markii la soo fasaxayay, wuxuuna tilmaamay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay dib xoriyaddoodii u heleen oo markaasina ay ula mid tahay dib u soo laabashadooda iyagoo maalin ciid ah oo kale jooga.

Haddaba markii uu soo baxay warkan ku saabsan in mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka Jubbooyinka ay diyaarad ku dejisay mid ka mid ah Garoomada Magaalada Nairobi ayaa waxay dadku bilaabeen in ay falanqeeyaan xaaladda wafdigaas iyo halka ay markoodii hore u socdeen, qaar ka mid ah dadkaasi waxay sheegeen in wafdigaas uu Muqdisho ku soo socday, isla markaana ay doonayeen in ay ka qeybgalaan soo dhaweynta Guddoomiyaha Baarlmaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, halka kuwo kalena ay sheegeen in wafdiga ay diyaaradda ku wadeen hub iyo rasaas ay u sideen ciidamadooda ku sugan Degmada Bu’aale oo difaac kaga jira Ciidamo ka amar qaata Col. Barre Hiiraale oo ay dhawaan halkaas ku dagaalameen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).