Talaado, November 07, 2006(HOL): Mas’uuliyiin u hadlay Maamul goboleedka Puntland ayaa beeniyay in ay ciidamadoodu weerar ku qaadeen ciidamo Maxkamadaha Islaamka u jooga Gobollada Dhexe, waxayna warkaasina ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin.
Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Dowladaha Hoose Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana uu yahay mid ay Maxkamadaha ugu qiil sameysanayaan in ay weeraraan Deegaano ka tirsan Puntland.
Wuxuu sheegay Cali Cabdi Awaare in ciidamo ka socda Puntland aaney tegin Gobollada Dhexe balse ay halkaasi ku ogyihiin ciidamo ka amar qaata Cabdi Qeybdiid oo Maxkamadaha ay iska soo horjeedaan, “waxaan maqalnay in ciidamo Maxkamadaha ka wada tirsan ay isku dhaceen kadibna ay dhimasho iyo dhaawac isu geysteen”ayuu yiri Cali Cabdi Awaare.
Beenintan u sameeyay maamul goboleedka Puntland ayaa waxay ka dambeysay kadib markii uu maalintii shalay ahayd Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo sheegay in ciidamo ka socda Puntland ay weerar ku qaadeen ciidamo u jooga nawaaxiga Gelinsoor, inkastoo uu sheegay in aysan wax khasaare ah halkaasi ka dhicin
Indha Cadde waxaa uu sheegay in aysan weerar ku ahayn Puntland haddii ay weerar yihiina aysan afar bilood fadhin lahayn halka ay haatan ciidamadooda joogaan, isagoo carrabka ku dhuftay in ay ugu baaqayaan Salaadiinta, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Puntland in ay ka hortagaan dhibaato uu sheegay in uu madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse ka dhex abuurayo dadka Soomaaliyeed.
Dhanka kalena, arrinta ku saabsan in dabeysha maxkamadaha Islaamka ay gaarto deegaanada uu ka taliyo Maamulka Puntland ayaa waxay noqotay mid ay ka hadlaan golayaasha Maamulka Puntland, waxaana shalay soo hadal qaaday Golaha Baarlamaanka,sida uu sheegayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Puntland Salaad Xareed Cali oo sheegay in Puntland ay dareemeyso in ay kaabiga ku soo hayaan dagaallo uga imaanaya dhinaca Maxkaamdaha.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, cabsida dagaal ee ay muujinayaan mas’uuliyiinta Maamul goboleedka Puntland ayaa waxay banaanka u soo baxday kadib markii dhawaan Magaalada Gaalkacyo looga dhawaaqay maxkamad Islaami ah oo loogu magac daray Badbaado, taasi oo ay furatay sida la sheegay Beesha Maxamed Cumar oo ka mid ah Beelihii wax ka dhistay maamul goboleedka Puntland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia