13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Nadaafaddu waa nolosha barkeed

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, November 06, 2006(HOL): Nadaafaddu waxaa lagu tilmaamaa sheyga kaliya ee bani’aadamka uu aad ugu baahan yahay la’aanteedna uu aadamigu noolaan karin. Dadka degan magaalada waxay muddo dheer marti u ahaayeen xaalado caafimaad darro sanooyinkii la soo dhaafay. Taas waxaa dheer cudduro badan oo faafa, hadana soo noqnoqda sida Daacuunka, Shubanka, Calool majiriska, Hargabka, Xundhurta Malaariyada. Muddo waxaa magaalada soo martay in boqollaal qofood ay u dhintaan maalintiiba cudurka Daacuunka, dad badanna u dhintaan cudurka shuban biyoodka, gaar ahaan curruurta da’dooda ka yar tahay shan sano iyo dadka waaweyn, dad kale oo baddana ay u dhintaan cudurka malaariyadda uuna asiibay dadka waaweyn iyo kuwo yarba sabataasoo ah biyihii wasakhda ahaa oo lagu shubayo guryaha hortooda ama nadaaafad darri ka timaado guryaha ay dadka ku nool yihiin.

Nadaafadu waa shey lagama maarmaan ah, loona bahan yahay in qof kastaoo muwaadin ah uu dhowro, kana taxadiro nadaafadda deegaankiisa si noloshooda dadyow badan u badbaado. Hay’adda SAACID maamulkeeda waxay isku taxalujisay inay wax ka qabato degaanka magaalada Muqdisho, iyadoo kaashanaysa maamulka degaanka iyo shacabka degan guud ahaan si wadajir ah wax laga qabto nadaafad darrida ka taagan magaalada.

Shaqaalaha ka sheqeeya nadaafadda gobolka Banaadir waxaa loo qeybiyay qalab looga gaashaanto urta qashinka, ookiyaalo, kabo, gacmo gashi iyo qalab ay ku shaqaystaan, marka ay la kumaan qashin wata biyo ur badan iyo wasaq adag oo aan is sahal ah aan ku go’ayn.

Waxaa mararka qaarkood la adeegsadaa katarbiil is uu ugu jajebiyo qashinka buuraha noqday si ay dadka ka shaqeynayo ugu fududaato inay si sahal ah u qaadi karaan carrada iyo qashinka. Waxaa kale oo ay hay’adda suurtagelisay in ay geyso goobaha laga shaqeynayo dhalinyaro u tababaran halwlaha caafimaadka si ay gargaar ugu fidiyaan dadka ku dhaawacma ama u baahan daaweyn fudud sida qof madax xanuun ku dhacay isagoo ama iyadoo shaqo halwgeeda/kiisa ku jira/jirta. Dadka waxay baahi wayn u qabaan in ay helaan nadaafad iyo sixo hagaagsan taasna waxay ku iman kartaa in si wadaji ah la iskaga kaashado dhaammman dadka ku nool magaalada Muqdisho. Goobaha si weyn u baahan in looga taxadaro waxaa ka mid ah: wadooyinka waaweyn ee faras magaalada ku dhexyaal bilic ahaanna dadka soo jiidanaya, Suuqyada, Iskuulada, Cusbitaalada iyo dhammaan meelaha dadka isugu yimaadaan.

Nadaafadda waa shey muhiim ah, una baahan in la dhawro qof kasta iyo bulsho kasta. Qofkasta oo naga mid ah waa inuu tallaalaa geed meel ku habboon inti uu qashin tallaali lahaa. Qof kasta oo naga mid ah waa inuu ku dadaalaa si uu u dhowri lahaa nadaafadda iyo guud ahaan ilaalinteeda isagoo kaashanaya fikirkiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.

Ha u dhiman aqoondarro, oo macnahoodu yahay ha u dhimman nadaafad darro. Nadaafaddu waxay isugu jirtaa mid qaas ah oo adiga kugu kooban iyo mid guud oo ummadda kula nool kaala dhexeyso, adigu waxaad mas’uul ka tahay tan adiga kuu gooniya, kadibna tan caamka ah ee dadka kaala dhexeyso. Hooyo ka shaqeyso nadaafada degmooyinka ayaa waxay tiri “Xaafadda aan degganahay waxaa horay u yiil qashin baaxad weyn oo caruurta ay ku dul ciyaaraan maalmaha fasaxa ah kadibna ay halkaas ka qaadaan cudurro kala duwan qaarna ay u dhintaan qaarna ay fuuqbax daran gaaraan. Haddaba ilaah mahaddii waxaa qashinka horteena yiilay la qaaday hadda waxaan dareemay neecaaw iyo saxansaxo caafimaad tan iyo intii laga nadiifiyay qashinka tubnaa hareereheena .

Hay’adda SAACID iyadoo ka duuleysa xilka weyn ee ka saran u adeegidda dadkeeda, diinteeda iyo dalkeeda ayay waxay u guntatay in ay qeyb Libaax ka qaadato soo celinta bilicsamida magaalada iyo qaadida qahsinka buuraha noqday ee yaala wadooyinka dhexdooda iyo dhismooyinka burburay. Haddii aan nahay ummadda Soomaaliyed ee ku nool magaalada Muqdisho waxaa nagu waajib ah inaan u guntano dhawridda nadaafadda iyo bilicda magaalada, si aan uga daba tagno kheyrkeena mudadii 16 sano ahayd ee ina dhaaftay.

Waxaa Diyaariyay:
Hay’adda Saacid
www.saacid.org

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).