Isniin, November 06, 2006(HOL): Culumaa’udiin caan ah oo ka tirsan dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta waxay kulan ku yeesheen Masjidka Biyamaalow ee magaalada Muqdisho, waxayna kukankaas culimada uga hadlayeen xiisadda colaadeed ee ka dhex oogan Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
Shiikh C/qaadir Colow oo ka mid ah culumaa’udiinkii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay wafdi dhexdhexaadin ah u magacaabi doonaan dhinacyada dowladda iyo Maxkamadaha, si loo baajiyo dagaal ka dhex dhaca, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac ay ka aqbalaan dadaalka ay ka dhex bilaabeen Culumada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, isagoo caddeeyay in culumada Ahlu Sunna ay guddoonsadeen in aysan ka aamusin xiisadda ka dhex taagan labada dhinac
Shiikh Shariif ayaa sheegay in aysan madal kale oo shir loogu qabanayo Dowladda iyo Maxkamadaha aysan sugi karin, bacdamaa sida uu yiri ay ciidamadooda is-horfadhiyaan, wuxuuna Alle ka baryay in uu mas’uuliyiinta dhinacyada iska soo horjeedaan laabtooda ay isu damqato, Shiikh Shariif waxaa uu ka dhawaajiyay in dadka Soomaaliyeed markii ay arkeen xaaladda ka dhex taagan Dowladda federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ay isu qeybiyeen in ay badda iyo berriga ku dhamaadaan iyagoo naftooda la baxsanaya.
Culumaa’udiinkii Dariiqada Ahlu Sunna ee ka qeybgalay kulanka ka dhacay Masjidka Shiikh Biya-maalow ee Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ahaa
Dr. Shiikh Shariif Shiikh Muxyaddiin
Macallin Nuur Maxamed Siyaad
Shiikh Axmed Gaballe
Shiikh Ismaan Xiddig
Shiikh Maxamed Shiikh Axmed Abba
Shiikh Axmed Shiikh Aweys
Shiikh Cabdi Shiikhaal
Shiikh C/rixiin Shiikh Cusmaan iyo kuwo kale oo badan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, kulanka ay isugu yimaadeen Culumaa’udiinka Dariiqada Ahlu Sunna ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo intii uusan bilaaban uu fashilmay kulan ay Dowladda Federaalka iyo maxkamadaha Islaamka ku yeelan lahaayeen magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan, inkastoo uu Magaalada Muqdisho ku sugan yahay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sheegay in uu doonayo in uu wada hadallo ka dhex furo Dowladda iyo Maxkamadaha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia