13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

SHIIKH FAARAX MACLIN MAX’UUD :- Xitaa Haddii uusan waxba soo kordhin safarka uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku tegay magaalada Muqdisho waxaa la oran karaa waa guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 06, 2006(HOL): Kadib markii uu ka soo degay magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa shir Saxaafada loogu talagalay oo uu qabtay Guddoomiyaha Gudiga Fulinta Maxkamada Islaamiga Gobolka Hiiraan waxaa uu kaga hadlay sida uu u arko Safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Muqdisho.

Guddoomiye Shiikh Faarax waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yahay sida uu hadalka u dhigay ninka ugu macquulsan xubnaha ku jira Dowlada Federaalka sidaas daraadeed ay suurtagal tahay in wax badan ay isla meel dhigaan isaga iyo Mas’uuliyiinta sar sare ee Midowga Maxkamada si loo sii amba qaado geedi socdii Nabada ee Labada dhinac.

Shiikh Faarax waxaa uu intaas ku daray in wada hadal ay ku yeeshaan labada garab ee Midowga Maxkamdaha iyo waliba Dowladda dalka dibadiisa ay ka wanaagsan tahay tallaabada uu qaaday Guddoomiyaha baarlamaanka ee ah in dalka gudihiisa wax layskula meel dhigo, Waxa nabad ay soomaalidu gaarto carqaladeynaya waa beesha caalamka laakiin waa hubaal hadii Soomalida laysaga dhex baxo in ay is-fahamayaan” ayuu yiri Shiikh Faarax.

Laakiin mar ay wax ka weydiisay HOL waxa safarka Shariifka ka soo bixi kara haddii uusan ahayn meel uu kula laabto wax yaabaha ay isla meel dhigaan isaga iyo Mas’uuliyiinta Maxkamadaha waxaa uu sheegay in xitaa haddii aysan waxba ka soo bixin safarkiisa la oran karo waa guul u soo hoyatay guud ahaan Ummada Soomaaliyeed waayo ayuu yiri waxaa meesha ka baxeysa oraahdii ahayd Soomaalida ma wada hadli karto.

Gudoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamada Islaamiga Gobalka Hiiraan ayaa dhanka kale sheegay in mar walba maxkamaduhu ku dadaalayaan in laga baaqsado Dagaal dhaca maadaama Soomaalidu ka soo daashay, laakiin waxaa uu yiri marnaba Soomaalidu u dulqaadan meyso in cadaw uu dalka soo galo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, imaanshaha magaalada Muqdisho ee Shiikh Shariif ayaa siyaabo kala duwan looga arkaa magaalada B/weyn iyadoo dadka qaar ay ku fasirayaan in tan ay la mid tahay uun sidii Dowladdu ahayd markii ay kala fadhiday magaalada Muqdisho iyo Jowhar oo ay kala hogaaminayeen Shiikh Shariif iyo waliba C/laahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi oo isku dhinac ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).