13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Banaanbax looga soo horjeedo tegitaanka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho oo Baydhabo ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 06, 2006(HOL): Banaanbaxan looga soo horjeeday tegitaanka Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo abaabulay Maamulka Gobolka Bay, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo dadweyne taageero u ah oo ku sugan Magaalada Baydhabo.

mas’uuliyiintii ka hadlay banaanbaxa oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo Axmed Maadeey Isaaq ayaa waxay ku eedeeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu u dhego nuglaan waayay codsi loo jeediyay oo ahaa in inta uusan Muqdisho tegin uu Baydhabo tago, waxayna dadkii banaanbaxa ka hadlay qaarkood ay tilmaameen in ay kalsoonidii kala noqdeen Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Axmed Maadeey Isaaq waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu tixgelin waayay dadkii soo doortay iyo dadka uu ka dhashay ee Digil iyo Mirifle, wuxuuse tilmaamay in haddii uu dib u heshiisiin raadinayo ay ka war sugayaan waxa uu soo kordhiyo.

Banaanbaxan oo ku soo gebageboobay barxadda Hotelka Eden ayaa waxaan ka qeybgelin mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ah ee Baydhabo ku sugan, waxaana sida wararku nagu soo gaarayaan ammaanka banaanbaxa sugayay ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo iyagu hareeraha waddooyinka Magaalada la dhigay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo shalay wax laga weydiiyay sababta uu uga jawaabi waayay codsi uga yimid mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Baydhabo ee ahaa in uu Baydhabo yimaado ayaa sheegay in uu Muqdisho u yimid dib u heshiisiin, isagoo caddeeyay in aysan jirin cid uu fasax uga qaadanayo dib u heshiisiinta, xitaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, “Ninkii Khartoum wada hadallo u tegaya oo aan ogoleyn in Muqdisho dib u heshiisiin loo tago anigu ma aqaano waxa uu doonayo”ayuuna yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waa banaanbixii ugu horeeyay ee looga soo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Baydhabo ka dhaca, iyadoo tanina ay muujineyso in Shariif Xasan uu Baydhabo ku leeyahay dad ku kacsan oo aan taageersaneyn siyaasadihiisa ku aadan in wada hadallo laga dhex furo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).