13 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaano uu hoggaaminayo oo Muqdisho ka digay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, November 05, 2006(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo oo ay tiradoodu gaareyso 21 Mudane ayaa saakay barqadii waxay ka degeen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo halkaasina ay si weyn ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo uu horkacayay Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho horay u sii joogay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa markii uu salaamay mas’uuliyiintii soo dhaweysay ee Maxkamadaha iyo Dowladda ka socday waxaa loo qaaday dhinaca guri loo diyaariyay oo ku yaala agagaarka Km5, halkaasi oo ay isaga iyo Shiikh Xasan Daahir Aweys kula hadleen warfidiyeenada.

Shariif Xasan waxaa uu sheegay in uu Muqdisho u yimid sidii uu wada hadallo uga dhex furi lahaa Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka oo xiisad colaadeed, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay dib u heshiisiin ku dhisan tahay Dowladda Federaalka, sidaas darteedna uu Xamar u yimid in dib u heshiisiinta la sii wado, “Ninkii Khartoum dib u heshiisiin u aaday oo diidaya in Muqdisho dib u heshiisiin loo yimaado, anigu kaas ma garanayo waxa uu doonayo”ayuu yiri Shariif Xasan oo Alle ka rajeeyay in wixii dhiman uu u dhameystiro.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu ka gaabsaday in uu carabka ku dhufto inta uu joogayo magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in uu yahay nin magaaladiisii yimid oo wanaag rajeynaya, “waxaan aaminsanahay annaga iyo Maxkamadaha in aanan waxba isla waayi doonin, iyaguna nabad iyo soomaalinimo ayay rabaan, dowladduna sidoo kale”ayuu yiri Shariif Xasan oo ka codsaday Maxkamadaha in ay wada hadallada u fududeeyaan.

Intaas kadib waxaa ka hadlay shirka jaraa’id Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Xamar u tegay howl Qaran, iyaguna ay howl qaran horay u hayeen, wuxuuna rajeeyay in uu Alle u hirgeliyo wax ugu yeeray dheeftii ay rabeen.

“Soomaalida in ay heshiiso ayaan rabnaa waxa ay doonaan ha ahaadeen in ay heshiiyaan ayay dan ugu jirtaa, dantoodana waxaa weeye, walaalnimadooda, diintooda iyo dantooda in ay isku ilaashadaan, cadawgoodana ay ka ceshadaan”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa uu ugu baaqayo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya bacdamaa uu u yimid Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Xasan waxaa wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadalkii uu Mareykanka dhawaan soo saaray ee ahaa in uu Shiikh Xasan Daahir Aweys bixiyay amar lagu qarxinayo goobo caan ah oo ku yaala dalalka Kenya iyo Itoobiya, gaar ahaan meelaha ay ku sugan yihiin Muwaadiniinta Mareykanka, wuxuuna Shiikh Xasan arrintaas ka yiri “annagu dowladnimo ayaan rabnaa, waxyaabaha dadka naga haleynayana ma isticmaalno mana isticmaaleyno, iyaguna wararka ay leeyihiin ka fiirsadeen Ameerikaanku, waxaad moodaa in aysan si nidaam ah u hadleynin, marka waxaan ugu baaqeynaa Ameerikaanku si caqli ah oo nidaam ah u hadlaan”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo si weyn ugu farxsanaa in uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku soo dhaweeyo Magaalada Muqdisho oo haatan ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa Muqdisho ugu dambeysay iyadoo tikniko badan lagu ilaalinayay, xiligaasoo ay Muqdisho ay ka talinayeen Hoggaamiye Kooxeedyadii ay Maxkamaduhu ceyrsadeen, wuxuuna Guddoomiyuhu saakay qiray in nabadgelyo la isku haleyn karo ay Muqdisho ka jirto.

Haddaba waxaa is-weydiin leh haddii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu go’aansaday in uu wada hadallo la furo Maxkamadaha Islaamka arrintaas sidee bey u arkayaan Mas’uuliyiinta kale ee Dowladda. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre oo Guddoomiyaha Baarlamaanka Ku sime u ah ayaa sheegay in aaney waxba kala soconin go’aanka uu Guddoomiyaha baarlamaanka qaatay, wuxuuna caddeeyay in go’aankaas oo aan waxba soo kordhin doonin uu kaligiis ku yahay.

Xildhibaanad Qamar Aadan Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in go’aanka uu qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yahay mid aan sharci ku dhisneyn oo u gooni ah Shariif Xasan, waxayna carrabka ku adkeysay in marka dowlad la yahay oo golayaasha dowladda shaqeynayaan loo baahan yahay in wax kasta oo la sameynayo sharciga lagu saleeyo.

Sidoo kalena, Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo shalay shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay ugu baaqeen in uu deg deg ku soo gaaro Magaalada Baydhabo oo howl muhiim ah ay u taalo Dowladda Federaalka, isla markaana uu baajiyo socdaalka uu ku tegayo magaalada Muqdisho, hayeeshee sida muuqata taasi ma aysan dhicin, Guddoomiyahana wuxuu maanta ka degay Magaalada Muqdisho.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).