Sabti, November 04, 2006(HOL): Ciidamada Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku soo rogeen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo bandow soconaya habeenkii oo dhan.
Ciidamadan ayaa tallaabadaas qaaday kadib markii ay magaaladaas ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo uu Col. Barre Hiiraale u arkay in ay lid ku yihiin, kuwaasi oo ay bilaabeen Odayaasha iyo Culumaa’udiinka Deegaanka oo sida la sheegay doonaya in ay ku xirmaan Maxkamadaha Islaamka.
Kulan qado ah oo ay magaalada Baardheere shalay ku yeelan lahaayeen Odayaasha iyo Culumaa’udiinka Degmada ayaa waxaa lagu baajiyay amar uu bixiyay Col. Barre Hiiraale, sida uu sheegayo Shiikh C/waaxid Muudeey oo ka mid ahaa Culumaa’udiinkii kulanka laga baajiyay.
“Annaga oo kulankii u fadhino oo arrimihii bilaaban rabno ayaa ciidamo na soo galeen, waxayna nagu fureen rasaas, meeshiina buuq ayaa ka dhacay”ayuu yiri Shiikh C/waaxid oo sheegay in ay kulankooda uga wada hadlayeen maslaxada iyo Nabadgelyada Gobolka.
Shiikh C/waaxid oo wax laga weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in ay kulankooda uga wada hadli lahaayeen sidii ay maxkamad Islaami ah uga hirgelin lahaayeen Degmada Baardheere ayaa sheegay in Soomaaliya ay isbedello badan ka dhaceen, maadaama ay muslimiin yihiina ay ku qasban yihiin in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka, wuxuuna ku gaabsaday in ay kaliya ka hadli lahaayeen maslaxada Gobolka.
Col. Barre Aadan Shire Hiiraale iyo Ciidamadiisa ayaa waxay Degmada Baardheere gaareen kadib markii ay Maxkamadaha Islaamka kala wareegeen gacan ku heyntii gobollada Jubbooyinka, mar ay dhawaan isku dayeen in ay dib u qabsadaan Gobollada Jubbooyinkana waxay iska caabin xoog leh kala kulmeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo ay ku dagaalameen Deegaanka Dujuuma oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia