13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Dowladda Mareykanka oo uga digtay Muwaadiniinteeda ku sugan Kenya iyo Itoobiya weerarro is-biimeyn ah oo uga imaan kara Mintidiin ku sugan Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, November 03, 2006(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan dalalka Kenya iyo Itoobiya in ay ka feejignaadaan weeraro is-miidaamin ah oo uga imaan kara Kooxo Islaamiyiin Mintidiin ah oo ku sugan Dalka Soomaaliya, waa sida lagu caddeeyay qoraal ka soo baxya Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi.

 

Warka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in uu Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka uu bixiyay amar ah in la weeraro goobo caan ah oo ku yaala dalalka Kenya iyo Itoobiya.

 

Digniintan ayaa timid kadib markii ay burbureen wada hadalladii ay dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ku yeelan lahaayeen Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

 

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa ka hadlay khatar uu sheegay in ay dhaqdhaqaaqyo mujaahidiin ah oo uu ula jeeday maxkamadaha Islaamka ay ku hayaan nabadda gobolka, wuxuuna sheegay Meles Zenawi in ay arrintaas xaqiiqo u hayaan oo aysan si mala-awaal ah uga hadleynin. Meles Zenawi waxaa uu sheegay in ay dhaqdhaqaaqyada mujaahidiinta oo sida uu yiri argagagixisada ay khatar ku yihiin Soomaalida, Gobolka, gaar ahaana Itoobiya, ugu dambeyntiina beesha caalamka.

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacad ku taala dalka Mareykanka, isla markaana ka faalooda Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayay Idaacadda BBC-da Laanteeda Focus On Africa wax ka weydiisay waxa ka dhalan kara burburka ku yimid wada hadalladii Khartoum ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna sheegay in aan dagaal laga fursan doonin haddii aaney beesha caalamka u dhaqaaqin sidii dagaal loo baajin lahaa oo wada hadallada loo sii wadi lahaa, waayo ayuu yiri ra’iisal wasaaraha itoobiya ayaa si furan u caddeeyay dagaal kala dhaxeeya Soomaalida ama Maxkamadaha Islaamka, sidoo kalena ay iyaguna Maxkamadaha Islaamka ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Dowladda Itoobiya

 

Prof. Samatar waxaa la weydiiyay kuwa ay la tahay in ay wax dhexdhexaadin karaan oo door dhexdhexaad ah ka taagan arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu qabo in uu kaalinkaas geli karo Midowga Yurub oo arrinta wax ka bedeli kara, bacdamaa Midowga Afrika uu horay u taageeray qorshaha ciidamada IGADSOM loogu dirayo Soomaaliya, isla markaana ay Maxkamadaha Islaamka arrintaas diideen.

 

Ka waran doorka ay dhexdhexaadintaas ka geli karto Dowladda Mareykanka  oo istaraatiiji ahaan daneyneysa gobolka Geeska Afrika marka ay timaado la dagaalanka argagixisada ayaa la su’aalay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, wuxuuna sheegay in Dowladdiisa Mareykanka muwaadin ahaan oo u tixgelisa mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadaha Islaamka in ay yihiin argagixiso sida ay dhawaan Nairobi ka sheegtay Dr. Jendayi Frazer aysan dooneynin hadda in ay door nabadeed ka ciyaarto gobolka.

 

Haddaba maxaa dhacaya markaas oo la filan karaa ayaa la sii su’aalay Prof. Samatar oo sheegay in waxa la filan karo ay yihiin dagaal, kaasi oo aan kaliya ka dhici doonin Baydhabo, balse ay Dowladda Federaalka  iyo Dowladda Itoobiya ay doonayaan in qabsadaan Muqdisho iyo Kismaayo, wuxuuna intaas ku daray in maxkamadaha Islaamka iyo dad kale oo badan ay ku eedeeyeen Itoobiya in ay soo weerareyso, isagoo weliba caddeeyay in xaalka sii xumaan doono haddii ay dagaalka ku soo biirto dowladda Eretereya.

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlay sida lagu baajin karo dagaal dhaca waxaa uu sheegay in ay arrin laga murugoodo tahay in dadka Soomaaliyeed ay ku dhawaad 20 sanadood ku soo jireen xaalado dhibaato leh, isla markaana aysan u baahneyn in looga sii daro iyo faragelin lagu sameeyo, wuxuuna beesha caalamka  ugu baaqay in ay ka hortagaan xasarado bani’aadannimo oo dhaca sabab la xiriirta isla weynida iyo qabka dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya.

 

Haddaba Digniinta ka soo baxday dowladda mareykanka ayaa dhinaca kale waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed C/llaahi Shiikh Ismaaciil ka sheegay Magaalada Khartoum in maxkamadaha Islaamka ay yihin kuwo aan nabad dooneynin oo dhowr jeer isku dayay in dilaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda Federaalka, sidoo kalena ay ka dambeeyeen dilalkii Muqdisho loogu geystay Joornaaliiste u shaqeyneysay BBC-da, Sawir Qaade u shaqeyn jiray TVga Channel 4 ee dalka Ingiriiska  iyo Sooro ka shaqeyneysay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS.

 

Wafdiga Dowladda ee Khartoum tegay waxaa ay sidoo kale qeybiyeen Warqad ay ku saxiixnaayeen mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka, taasi oo ay ku qornaayeen amarro lagu dilayo mas’uuliyiinta dowladda Federaalka, inkastoo jiritaanka warqaddaas iyo rasmi ahaanteedaba uu beeniyay Xoghayaha Arrimaha Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo sheegay in qoraalka ku qoran warqadda  uu yahay mid jacbur ah, sidoo kalena aysan warqadda aysan ahayn tan rasmiga ah ee ay Maxkamadaha Islaamka isticmaalaan.

 

Burburka ku yimid wada hadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay cabsi ku abuureen dadka Soomaaliyeed oo baqaya in uu dagaal dhiig badan ku daato uu dhex maro labada dhinac, hayeeshee waxaa si loo baajiyo dagaal dhaca baaqyo ka soo saaray magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, Ururrada u dooda Xuquuqda iyo weliba hay’adaha u ololeeya Nabadda, wuxuuna Guddoomiyaha Hay’adda Tubta Nabadda C/llaahi Maxamed Shirwac oo dhanka kalena ah afhayeenka dhaqaaqa Bulshada Rayidka Soomaaliyeed uu ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka in ay xiisadda qaboojiyaan, ciidamadooda is-horfadhiyana ay kala qaadaan, si loo abuuro jawi wada hadal.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).