Khamiis, November 02, 2006(HOL): Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo xafiiskiisa shir jaraa’id kuq abtay ayaa sheegay in xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo
Yuusuf Indha Cadde waxaa uu sheegay in ciidamadaas oo dhaqdhaqaaqyo bilaabay ay wataan Gaadiid dagaal oo ay Kenya leedahay, wuxuuna Dadka Kenya ugu baaqay in ay ka hortagaan dhibaatada ay dowladdoodu abuureyso, haddii ay ka hortegi waayaana aysan heysan doonin nabadda ay haatan heystaan, “Itoobiya maanta nabad ma ahan laakin Kenya nabadgelyo ayaa ka jirta, nabaddaas Kenya ma heysaneyso haddii aaney dadkeeda ka hortegin dhibaatada ay dowladdooda wadddo”ayuu ku goodiyay Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde.
Yuusuf Indha Cadde oo la weydiiyay waxa uu ku caddeyn karo warka uu sheegayo ayaa sheegay in ay maxkamadaha Islaamka leeyihiin rag sir-doon ah oo arrimahaas la socda, todobaadyadii la soo dhaafayna ku jirayn howlo xaqiijin ah, “waxaan cod dheer ku sheegayaa beesha Caalamkana aan u sheegayaa in dowladda Kenya ay soo gelisay xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya ciidamo Itoobiyaan ah oo gashan labiska ciidamadeeda”ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde.
Hadalkan uu sii daayay madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Yuusuf Indha Cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay Mas’uuliyiinta sare ee maxkamadaha Islaamka ku eedeeyeen Dowladda Kenya in aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya, tiiyoo ay xusid mudan tahay in wafdigii Maxkamadaha Islaamka ee Khartoum shirka u tegayna ay diideen in ay Dowladda Kenya wax ka shir guddoomiso wada hadallo lagu waday in ay dhexmaraan Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia